Waxqabadkii Wasaarada Caafimaadka PL 1 Ogost 2010 ilaa 1 Ogost 2011

Waxaan halkan idin kugu soo gudbinaynaa  Warbixin kooban Waxqabadka Wasaaradda Caafimaadka mudada August 2010 ilaa August 2011.
Wasaaradda Caafimaadku waxay u xilsaaran tahay horumarinta Caafimaadka Shacabka Puntland iyo sidii loo joogtayn lahaa daawo iyo Adeeg Caafimaad oo tayaysan.
Waxa ay wasaarada caafimaadka  si xoogle u rumaysan tahay tayaynta hawlaha Caafimaadku taasna, si aan taas u gaarno waxaan diirada saraynaa yoolalka ay ka mid yihiin Horumarinta iyo Tayaynta  adeegyada joogtada ee caafimaadka tayaynta iyo kordhinta Xooga Caafimaadka (Human resources).
Warbixintaan waxaad ku dhex arki doontaa Guulihii laga gaarey adeegyada caafimaadka ku aadan waxqabdaka iyo shaqoooyinka loo sameeyo hooyada, Dhalaanka iyo guud ahaan bulshada reer Puntland oo dhan.

WAXQABAKA WASAARADDA CAAFIMAADKA

XAALADA GUUD EE CAAFIMAADKA PUNTLAND
Waxaa si joogta u shaqeynaya oo adeegyada caafimaadka joogta bixiyey 56xarumaha hooyada iyo dhalaan, 5 Isbitaal heer gobol, 9 Isbitaal 7 xarumaha qaaxada, 4 xarumaha barista iyo la talinta cudurka Ej-Ay-Fii Aydhiska, 2 xarun oo caafimaad dhimirka, 2 xarun quudinta nafaqda iyo 182 Baro caafimaad.
Xarumahaas caafimaadka waxa ay dhamaantood ku kala yaalan dhamaan degaanada Puntland heer gobol ilaa tuulo.
Guud ahaan xaalada caafimaad ee dalka waa mid degan waxaana si dhameystiran loo  xakameeyey cuduraddii dilaacey 3 bilood ee la soo dhaafey.

BAAHINTA AGEEGYADA CAAFIMAADKA EE JOOGTADA AH
  1. Xoojinta adeegyada joogtada ah
Waxa si joogta ah u helay agabkii caafimaadka iyo daawo dhamaan xarumaha caafimaadka adeegyada caafimaadkana u bixiya si joogta ah
  1. Waxaa tababaro loo sameeyey shaqaale caafimaad oo gaaraya 250 oo lagu tababarey barnaamijyo kala duwan dalka gudihiisa.
Tabarada dibada: Shan (5) oo loo aadey kenya (3), Uganda (1) iyo Iran (1)
  1. Waxa dayactiro lagu sameeyey Isbitaalada Magaalooyinka Garowe iyo Galkacyo, Xarunta caafimaadka gobolka nugaal, welina uu dayactir uu socdo
  2. Waxaan dib loo furay Xarumo caafimaad oo xirnaa iyo kuwo cusub si loo balaariyo adeegyada caafimaad.
Waxaa ka mid ah xarumaha la furay:
  • Isbitaalada Burtinle, Galdogob iyo Bacadweyn
  • Xarumaha hooyada iyo Dhalaanka ee Carmo, Galkacyo (Cusub), Garowe (Gargar) iyo Bosaso (horsed)
  • Xarumaha Qaaxada; waxaa la furay xarunta Qaaxada ee Goldogob
  • Waxaa la furay xarunta Baarista iyo la talinta Ej-Ay-Fii Aydhis Magaalada Qardho

OLOLAYAASHA AY WASAARADA CAAFIMAADKA AY QABATEY
XAKAMEYNTA CUDURADA FAAFA
  • Waxa wasaaradu ka jawaabtey shuban biyood ka dilaacey deegaanada Garowe, Burtinle, Galkacyo, Bursalah iyo Goldogob. Waxaa la daaweeyey dad gaaraya 7,800 oo qof.
  • Waxaa ay wasaaradu ka jawaabtey jadeeco ka dilaacdey magaalooyinka Garowe iyo Bosaso. Waxaana la daweeyey 4500 oocaruur ah
  • Waxaa biyo sifeyn (chlorination) laga sameeyey dhamaan magaalooyinka Garowe, Burtinle, Galkacyo, Bursalah iyo Goldogob.
  • Waxaa daaweyn laga sameeyey Xabsiyada Magalooyinka Garowe, Galkacyo iyo Bosaso. Waxaa la daaweyey 150 Maxbuus
  • Waxa loo qaybiyey dhamaan gobolda Puntland dawooyin ka hortaga cudurada faafa
  • Daweynta ciidamada qalabka sida iyo qeyb galka difaaca dalka

  1. 1.   WAX KA QABASHADII ABAARAHA
  • Waxaa ka faaideystey oo lagu daaweeyey ololahan dad gaaraya 3,942 oo ah dad ay abaartu sameysay (Eeg Hoos)
SNGOBALADATIRO
1Nugal (EYL)                              432
2Mudug (Jeriban,Bursalax)       150
3Sool (karinkorfod, godalo, Aroley)            700
4Bari (Iskushuban, Bargal, Calula and Qandala)2300
5Karkar (Rako350
 Total3,942
  • Waxa ay wasaaradu u gurmatey dad ku  sumoobey  biyo degmada dongoroyo

  1. 2.   KOOXO CAAFIMAAD:  waxa ay wasaarada iyo Bisha cas wada  direen kooxo daaweyn ka sameeyan dadka reer guuraaga ah iyo tuulooyinka ay ku nool yihiin dadka tabaaleysan. 

  1. 3.   OLOLAHA MAALMAHA CAAFIMAADKA CARUURTA
Waxaa la qabtey Ololaha maalmaha caafimaadka caruurta labo jeer (December 2010 iyo July 2011) waxaana ka faaiideystey adeegyadaas 400,000 kun oo ah caruur shan sano ka yar iyo haween
  1. 4.   BOOQASHADII DHAKHAATIIRTA TURKIGA:
Waxaa adeegyo caafimaad loo sameeyey dad gaaraya 4200 oo kala yimid dhamaan deeganada Puntland
  1. 5.   OLOLE INDHO- FIIQIS: Waxa magaalada Galkacyo lagu qabtey Olole indhofiiqis ah iyadoo ay wasaaradu la kaashaneyso hayada MSF. Waxaa daaweyn loo sameeyey  1750 qof oo 500 ka mid ah ahaayeen qaalin.
  2. 6.   MASHRUUCA XAKAMEYNTA QAAXADA EE REER GUURAAGA (TB OUT REACH)
Waxa hirgalay mashruuca xakameynta qaaxada ee ruur guurada ee gobolada Nugaal, Mudug iyo Bari

  1. 7.   ADEEGYO CAAFIMAAD OO AY WASAARADA CAAFIMAADKU  FULISAEY
  • Dhakhaatiir isugu jira (MASAARI, SOMALI IYO UZBEKISTAN) ayaa waxa ka fuliyaan daaweyn magaalooyinka Qardho, Garowe, Galkacyo iyo Burtinle. Waxaana la daweeyey 2,900 oo qof
  • Waxay ay wasaaradu si buuxda uga qeyb qaadatey ciyaarihii gobolada soomaliya ee lagu qabtey magaalada Garowe. Waxa ay wasaaradu keentay xirfadlayaal caafimaad iyo gawaari.
  1. 8.   GAADIIDKA WASAARADDA CAAFIMAADKA KUSOO SIYAASADAY
Wasaaradda Caafimaadku waxay heshay sanadkaas 8 Gaari oo isugu jirta kuwa gurmadka deg deg ah (Amblance) iyo kuwo loogu talagalay kormeerka degmooyinka fog fog  laguna gaarsiiyo daawooyinka iyo shaqaalaha caafimaadka markii ay cuduro ka dilaacaan. Gawaarida cusub ee Wasaaradda Caafimaadka waxaa loo qaybshay gobalada dalka sida Isbitaalada. iyo Xarumaha Wakiilada Caafimaadka Gobalada (Regional Health Officers) waana kuwa fududeeyey waxqabadka wasaaradda deegaanada gaari waaga loo bixiyey balse wasaaraddu gaartey.
SOO JIIDASHADA KAALMADA CAALAMIGA AH
Waxa ay wasaaradu heshiisyo la gashey hayado caalami ah oo cusub si horumarin ugu sameeyaan adeegyada caafimaad ee goboloda soo socda:
  • Hay’dda Save the children UK oo dhamaan la wareegtey wax ka qabadka caafimaadka Gobolka Kar-kaar
  • Hayada MDM waxa ay ka shaqeyneysaa caafimaadka Barakacayaasha magaalada Bosaso
  • Hay’adda World Vision oo ka shaqeynta doonta nafaqadda iyo caafimaadka aasaasiga ah
  • Hay’adda DIAL oo ka shaqeynaysa Gobolka Sool
  • Islamic relief oo ka shaqeyneysa qeybo ka mid Gobolka Mudug.
  • Bankgia Islaamka ayaa wasaarada  caafimaadka kala shaqeyn doona sidii wax looga qaban lahaa kor u adeegyada caafimaad ee Isbitaalada Guud ee Puntland.
  • Waxa ay wasaaradu Heshiisyo kala duwan la gashey deeq bixiyaal cusub oo ay ka mid yihiin DFID, USAID, MSF-Holland, ICRC, wasaaradaha arimaha dibada ee Norway iyo Finland

KOR U QAADISTA WADASHAQEYNTA HAYADAHA
Waxa la sameeyey nidaam wadashaqeyn hayadaha ka shaqeeya caafimaadka Puntland si wax ku ool u noqdaan mashaaricda ay nagalaa shaqeeyan Hayadaha caalamiga ah.

HUBINTA TAYADA DAAWADA
  • Waxaa wasaarada u suurto gashey in la helo labo mashiin oo ah kuwa lagu baarey tayada daawada oo la dhigo Magaalada Bosaso (Dekada) iyo Garowe.
  • Waxaa ay wasaaradu magacowday gudi dib u eega nidaamyada ilaalinta kontoroolka daawada.
  • Waxa socda dib u eegista iyo hirgelinta sharciga caafimaadka
  • Waxa hirgeshey in la mamnuuco ka ganacsashada daawada qaaxada ee goobaha ganacsiga ah.

SHIRARKA CAALAMIGA AH AY WASAARADU KA QEYB GASHEY/LAGU MARTI QAADEY
Waxa ay wasaarada caafimaadka ka qeyb gashey shirar caalami ah oo ka dhacay wadamada soo socda laguna soo bandhigey baahiyaha puntland
WADAMADA: kenya, Uganda, Moroco, Tunisia, Jabuti, Oman, egypt, Swirtzerland, Turkey, Malaysia, Italy, Qatar, UAE, UK and Germany

HIRGELINTA SIYAASADA ISKUTASHI (ISKA WAX U QABSO)
  • Waxa wasaaraddu si fiican ugu wacyi gelisey bulshada reer Puntland ka qeyb qaadashada caafimaadka guud  
  • Waxa ay wasaaraddu ka shaqeysay isku xirka Jaaliyada dibada ee reer Puntland si ay gacan fiican uga geystaan caafimaadka Bulshada 
KORMEERADA IYO QIIMEYNTA
Wasaaradda Caafimaadku waxay kormeero iyo qiimeyn kusoo samaysay Gobalada iyo Degmooyinka Puntland guud ahaan waxaana kormeerada qayb ka ahaa Madaxda Wasaaradda Caafimaadka ugu sareysa iyo Shaqaalaha gurmadka Caafimaadka oo wata daawooyinkooda si ay u baaraan caafimaadka bulshooyinka degan degmooyinka laamiga ka fog
 GABOGABO
Waxa ay wasaaraddu ugu danbeynta u mahad celinaysaa dhamaan intii kala shaqeysey in ay howlahaa soo sheegney ay hirhalaan oo ugu horeeyo madaxweynaha dawlada Puntland, madaxweyne ku xigeenka dawladda Puntland iyo dhamaan hayadaha caalamiga ah.
DHAMAAAD……………………………
Cabdulqaadir Warsame Yuusuf
Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland
Developed by Jago Desain