DANMARK: Dowlada Danmark oo shaacisay in la siidaayey Muwaadiniin ku jiray Gacanta Burcad badeed Soomaaliyeed


Dowlada Danmark ayaa shaaca ka qaaday in la siidaayey muwaadiniin dalkeeda u dhashay , kuwaas oo  ku jiray gacanta burcad badeeda soomaaliyeed.

Kooxaha Burcadbadeeda Soomaalida ayaa sii daayey Qoys kasoo jeeda dalka Denmark oo ay in muddo ah Afduub u heysteen kuwaasi oo ka koobnaa illaa iyo 7-qof oo ay caruur ku jirtay. Jan Quist Johanson, iyo Familkiisa ayaa shalay oo Talaado ah doon lagag qaaday xeebaha soomaaliya, iyagoona u shurcaaday dalkooda Denmark

Waalidka iyo saddexda caruurta ah oo ay da'doodu ay u dhexeysay 12-sano illaa 16-sano ayaa waxaa lala afduubay laba qof oo u dhashay dalka Denmark, iyadoo la sheegay inuu caafimaadkoodu wanaagsan yahay kaddib lix bilood oo afduub loo haystay.

Wasaarada arrimaha dibada ee dalka Danmark ayaa sheegtay inay muwaadiniinta u dhashay dalkeeda ay sii daayeen burcad badeedku, kaddib markii ay ka qaateen Lacag Madax furasho ah.

Dowlada Danmark ayaa iska fogaysay inay lacagta lagu siidaayey Muwaadiniinteeda ay wax lug ku lahayd , iyagoo sheegay siidaynta & bixinta lacag mdax furashada inay ku gaar ahayd oo kaliya Qoyska dadka lahaystay.

Raiisal wasaaraha Dalka Danmark Løkke Rasmussen ayaa aad u soo dhaweeyey siidaynta qoyska Denish- ah, isagoo sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay siidanyntooda.

Xaqiiq sugan ma jirto lacagta Rasmiga ah ee ay qaateen Burcad badeedku, waxaase la sheegayaa ama joornaalada Caalamku ay qoreen in burcad badeedku ay qaateen lacag gaaraysa  $ 3.5 milyan, halka warar kale ay sheegayaan in ay qaateen 3 milyan oo doollar.

Warshada kaliya ee sida fiican uga shaqaysa Waqtigan soomaaliya,  ayaa lagu tilmaamaa inay tahay Tan burcad badeedka, iyagoo lacagta madax furashada ah ay helaan si xun u isticmaala , kuna fasahaadiya bulshada soomaaliyeed, iyagoo u isticmaala arrimo ay ka soo horjeeda  diinteena Islaamka, Mukhaadaraad, iyo Ammaandarro ay ku keenaan deegaanada ay ka howl-galaan.

Qoyskaan reer Denmark ayaa bilihi lasoo dhaafay lagu haystay Markab u afduuban kooxaha Burcad badeeda kaas oo ku xiranaa xeebbaha Degmada Baargaal ee gobolka Bari gaar ahaan agagaarka  Raas Bina.


Shabakada Baargaal.net
baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain