Doon xoolo sidday oo Boosaaso laga afduubtay

Koox burcad ah ayaa maanta gelinkii dambe dekedda magaalada Boosaaso ka afduubtay doon xoolo sidday oo u rarneyd ganacsato Soomaali ah.
Wararka naga soo gaaraya magaalada Boosaaso ayaa sheegaya in doonta ay ku wajahneyd Imaaraadka Carabta, waxayna kooxdii burcadda ahayd la aadeen xeebaha gobolka Bari.
Sarkaal ka tirsan wasaarrada kalluumeysiga ee Puntland oo lagu magacaabo Axmed Xamari ayaa Bar-kulan u sheegay in ilaa hadda aan la garaneyn heybta kooxda burcadda ee afduubatay, isagoo intaas ku daray in sidoo kale aan la garaneyn in kooxdaasi burcadda ah ay doonayaan lacag madaxfurasho ah, shidaalka ama biyaha saaran doonta.
Sarkaalkaas ka tirsan wasaarrada kalluumeysiga ee Puntland ayaa sheegay inay socdaan dedaallo la doonayo in lagu sii daayo doontaas iyo xoolaha ay waddo intaba.

Shabakada Baargaal.net
Developed by Jago Desain