Faallo: Kilaafaadka Sii Laxaadsanaya ee U Dhexeeya Beelaha Calbari , Yaa Ka Musuul ah, Maxaase Xigi Doona?

Dadweynaha Degaamada Calbari , kana mid ah dadka Soomaaliyeed ee aanu weli ka dhex dhicin dagaal sokeeye, ayaad haatan moodda inay hayaan jidkaasi Soomaaliyi maanta kasii baxayso. Markaad eegto khilaafka beeleed, caloolxumada iyo xiqdiga ku salaysan qabyaaladda kooxaysiga iyo tuhunada soo kala dhex galay dadka walaalaha ah ee Calbari Wada daga , Waxaad isweydiinaysaa “Waar dadkani maxaa la tusay, xagayse ku socdaan.”

Soomaalida ayaa markay wax dhacaan tiraahda  af masiibo lagama dhawro”, taasoo macnaheedu noqon karo wax badan oo ay reer Calbari  ku faani jireen oo ay ka mid yihiin nabadgelyo iyo wax wada qabsi, ayaad mooddaa inay dib uga sii guranayaan, waxaana halkoodii galay xafiiltan siyaasadeed oo aan micno badan lahayn.

Su’aalaha la isweydiin karo, ayaa ah maxay maanta reer Calbari isku hayaan? Maxaa meel u yaalla? Hadday taladu murugto yaa talo loo dhiiban karaa ? Maxayse kuwa maanta talada beelaha Calbari ku dhex jiraa ama hayaayi ka ogyihiin wakhtiga dhacay?

Baaqyada iska hor imanaya ee kasoo baxaya Dhalinta yaryar ee maamulka iyo xilalka loo dhiibay wakhtigani maaha kuwa ku socda jidkii dadkan geynayey horumar iyo barwaaqo, balse waxay kusii tukhaatukhinayaan meel cidlo ah.

Si kastab ha ahaatee, waxa la gaaray dhufayskii ugu dambeeyey ee reer Calbari iskaga difaaci lahaayeen cid kastoo cadow ku ah jiritaankooda, ama dhufayskii ugu dambeeyey ee ay iyagu isku geli lahaayeen haddii an laga leexan jawiga xumaantu ku dheehantahaya ee hadheeyey dadweynaha gobolka iyo qurbahaba labadaba.


Arrimaha haatan taagan, ayaa waxaa sii murginaya shabakadaha wararka qaarkood sida raascasayr media oo iyagu xumaanta ku xarragooda, dadkana kala dhex dhighaya xumaan aan jirin, isla markaana an ogeyn in dhibaatada ka dhalata xaalad abuurkoodu uu dib ugusoo noqonayo dadkooda.


Baargaal Media
Developed by Jago Desain