Fahad Cumar : Ogeysiis iyo Tanaasulid

ascw dhamaan Akhristayaasha Maqaalkan salaan aad u qiima badan ayaa hawada idiin soo marinayaa salaan ka dib,waxaa jeclaan lahaa inaad in yar isiisaan wakhtigiina qaaliga ah si aad u akhrisataan,arintan aan damacsanahay in aan halkan kaga hadlo idinkoo mahadsan.


Markii aad maqashaan magaca Fahad omar said waxaa idin soo baxaysaa wiilkii yaraa ee saxafiga ahaa, haa waa isagii, 08-09-2008  3 sano ka hor ayay aheed markii aan hawada soo galiyay webkii ugu horeeyay ee ku abtirisada degaamada raascasayr kasoo lagu magacaabi jirey  allcasayr.com,markii danbana isku badalay allcaseyr.net,markii danba laga dhigay raascasayrmedia.com.

Waxaan ahaa maskaxdii ka danbeysay asaaskii websitekaas,waxay aheed xili adag,dhaqaale ahaan iyo aqoon ahaan,dadaal badan ka dib waxaanu noqonay kuwa guuleysta oo hadafkooda gaara.

Maxaa igu dhaliyay asaaska websitka? 

waxaa  igu dhaliyay inaan sameeyo webkan arimo badan oo aan halkan kusoo koobi karin,hadii aan mid iyo laba idinkaga taabto waxaa ka mid ahaa.


  • kadib markii aan arkay degaamada aan kasoo jeedo in ay ka maqanyihiin masraxa saxaafada somalia
  • kadib markii aan arkay dadkayga oo aamisan fikrado shakhsiyaad lamid ah ay leeyihiin
  • kadib markii aan arkay in dadkaygu ay aad uga hooseeyeen dhinaca wacyigalinta

 intaas iyo inkaloo bada  ka dib waxaan go,aansaday inaan sameeyo websitekaas,run ahaantii wuxuu noqday mid isku xira dhamaan dadka kasoo jeeda degaamada raascasayr iyo laasasurad,wuxuu noqday mid degaankeena kusoo dara masraxa saxaafada,wuxuu noqday mid soo gudbiyya xaqiiqda ka jirta degaankeena.

waxaan xasuustaa maalin aan googlaha ku qor magaca caluula,waxaan waayay hal maqaal iyo war ah oo ku saabsan magaalada caluula,markii labad waxaa ku qorey magaca beesha guud iyadana waa isoo bixi wayday,maanta waxaad googlaha ku qortaan tuulo ka mid ah degaankeena si toos ayay kugu soo baxaysa adigoo ka akhrisanaya macluumaadka degaankeena.

Arimahan saxaafada degaanka waxaa shakhsiyan iiga baxday dhaqaale iyo waqti intaas oo dhan waxaa u sameenayay in dadkaygu meel uun kasoo baxaan in badan waa arkay wanaagii inta dhimana inshalaah waa sugayaa in aan arko maalin uun.

Ujeedada Warbixintan

waxaa bilihii ugu danbeeyay soo baxaayay cabashooyin badan oo si gaar ah aniga layga tabanaayay,shakhsiyaad badan oo jooga dalka iyo dibada ayaa dacwado iyo ashkatooyin u gudbiyay waalidkayga iyo walaalahayga iga waaweyn,dhamaan shakhsiyaadkan waxay ka sinaayeen dacwada waxayna ahaayeen dad si isku mid ah u dacwoonaayay,waxay sheegeen inaan si gaar ah u aflagaadeeyay,qaarna waxay sheegeen inaan ahay wiil yar oo caqabad ku noqday horumarka degaamo ka tirsan raascasayr,qaarna waxay sheegeen inaan u shaqeeyo dad cadaw ku ah degaamada raascasayr waa sida ay hadalka u dhigeen,dacwadahan ayaa mudo badan soo noqnoqday,waalidiintayda waxay ku abuurtay warbahaar waxaa meesha uga muuqday inuu wiilkoodu dhex dabaalanayo bad kale,xiriiro badan oo ay ila sameeyeen waalidkayga waxay su,aalo iga waydiiyeeen cabashooyinka layga tabanayo,waxaana u sheegay inaysan waxba ka jirin waxa aniga layga tabanaayo,shakhsiyaadka dacwada iga gudbinaya waligood ilama soo xiriirin oo iima aysan waydiin waxa ay tabanayaan.

Shakhsiyaadkan aniga khalad kama aanan galin,maadaama aan ahaaa asaaskii warbaahinta raascasayr,wax walboo lagu soo qoro webkaas waxay u haystaan inaan anigu masuul ka ahay oo aan qorey,webku waa web u dhexeeeya beel weyn maaha wax uu shakhsi leeyahay,qofku wuu lahaan karaa fikrada lkn waa wax ay wada leeyihiin bulsho dhan.

 qof walba oo aan raali ka aheen waxa lagu qoro raascasayr,wuxuu iga gudbiyay dacwad si gaar ahaaneed ah aniga,wax walboo lagu soo qoro raascasayr run iyo been aniga ayaa madaxsa layga saarey.

intaan aduunkan ku noolaa waligay qof bina adam ah khalad kama galin,waligay qof waxba kama sheegin,waligay qof cadaawad uma qaadin.mana doonaayo hada ka dib inaan qof cadaawad u qaado ama aan aflagaadeeyo ilaahayna iguma keeno.
si aan ukala badbaadno shakhsiyaadka dacwada iga gubiyay iyo umadaha kale ee iman doono waxaa go,aansaday inaan iskaga baxo  masraxa saxaafada degaamada raascasayr sababaha soo socdo awgeed.

1-dano shakhsiyeed oo igu soo kordhay, taas oo aan iisuurta galinayn inaan sii wado saxaafada degaamada raascasayr
2-sanadkan oo ah sanadkii igu danbeeyay machadka ama collegeka, oo aan doonaayo inaan wakhti fiican siiyo waxbarashadayda.
3-iyo dacwado isdaba jooga oo ay iga gudbiyeen shakhsiyaad siweyn looga texgaliyo degaamada raascasayr

intaas ka dib waxaa go,aansaday inaan ka fariisto masraxa saxaafada degaamada raascasayr,taas micnaheedu maaha inaan ka fariistay wax u qabashada degaankayga,mar walba iyo wakhti walba diyaar waxaan u ahay inaan dadkayga wax u qabto wixii karaankayga ah.

hawshan waxaa sii wadi doona dhalinyarda ururka raascaayr gaar ahaan xafiiska warfaafinta.
waxaa ka codsanayaa dhamaan akhyaarta ku xiran golaha cal-bari inay iska kay cafiyaan qof walba oo iga tabanaya khalad,waxaan ahay bina adam waa gafi karaa ma gafe waa ilaahay.

sidaa awgeed waxaa ogeysiinayaa dhamaan akhristayaashamaqaalkan  inaan shaqo ku lahayn maamulka warbaahinta raascasayrmedia.com ,warbaahintaasi waxaa maamula oo gacanta ku haya masuulna ka ah xafiiska warfaafinta ee ururka dhalinyarda raascasayr youth union,gaar ahaan madaxa warfaafinta.
hadii aad qabto cabasho ama aad hayso talooyoon waxaa kala xiriiri karta webmasterka,emailka webka oo ah

boolimoog10@gmail.com

arimahan waa mid aniga ii gaar ah iyo go,aan aniga iga soo go,ay 

thanks all
fahad cumar
fahadyarex2@hotmail.com
Developed by Jago Desain