Go’aamo Laga Soo Saarey Amniga Gobolka Bari

Guddiga nabad gelyada gobolka Bari oo beriyihii u danbeeyey lahaa kulamo gooni gooni ah , kuwaas oo looga arinsanayo ammaanaka gobolka ayaa maanta oo ay taariikhdu ku beegan tahay 17/9/2011 soo saaray qodobo dhowr ah oo ku aadan sugida ammaanka iyo nabadgelyada.
Qoraal ay soo saareen gudiga nabadgelyada gobolka Bari  ayaa sidatan u qornaa :


Ku: Taliska qaybta Booliska.
Og: Taliska ciidamada Booliska Boosaaso.
Wasaarada arimaha gudaha iyo dowladaha hoose.
Wasaarada amniga.
Madaxtooyada Boosaaso.
Ujeedo: Baahin qodobo muhiim ah oo uu gudiga nabadgelyada gobolka Bari kasoo saaray xaalada nabadgelyo xumo ee taagan.

  1. In dib u habayn lagu sameeyo lana adkeeyo Nidaamka lagu hubinayo dadka gobolka kasoo gelaya gobolada Koonfureed.
  2. In la dar dar geliyo doorka war helka ciidamada Daraawiishta dowlada Puntland ee difaaca kaga jira aagaga hore ee Buuraleyda si aanay khatartu ugu soo durkin goobaha muhiimka ah sida magaalada Boosaaso iyo jidka Laamiga ah ee isku xira gobolada dalka.
  3. Waxaa reeban in magalada lagu dhex arko Gaari ay Muraayadihiisu madow yihiin amase aan Taariko lahayn , marka laga reebo Baaburta Saraakiisha laamaha amniga iyo madaxda dowlada ee iyagu fasaxa sharciga ah u haysta.
  4. Waxaa reeban in magaladu ay hub la dhex maraan ciidan aan howlgal ku jirin maadama ay magaalada joogaan dhowr ciidan oo aan lahayn talis mideysan.
  5. Waxaa reeban in xabsi lagu hayo qof eedeysane ah wax ka badan mudada uu sharcigu oggol yahay , waxaa sidoo kale reeban in qolalka xabsiyada la geliya tiro ka badan maxaabiiska uu qaadkiisu yahay.
  6. In la fududeeyo culeyska ay gawaarida xamuulku ku hayaan magaalada Boosaaso iyada oo la xadidayo wakhtiyada dejinta iyo rarida.
  7. In dib loogu celiyo dadkii lahaa hubkii ay dhowaan ciidamada dowladu ka qabteen Suuqa cir toogte.
  8. In laga wada shaqeeyo cirib tirka iyo kahor tagga Burcad badeeda.
Qodobadan ay maanta soo saareen gudiga nabadgelyada ee gobolka Bari ayaa u muuqanaya kuwii hadii ay hirgalaan wax badan ka bedeli kara amaanka iyo xasiloonida gobolka bari gaar ahaan xaruntiisa Boosaaso oo sanadihii u danbeeyey ay ka dhacayeen falal amniga lidi ku ah.




Developed by Jago Desain