Laba Wiil Oo Surka Laga Gawracay Ayaa Meydkooda Laga helay Xaafadda SOS Ee Muqdisho

Laba dhalinyaro ah ayaa saaka meydokooda lagu arkey deegaanka Xuuqa Xoolaha ee Waqooyiga magaalada Muqdisho halkaas oo ay weli ka taliyaan Xarakada al-Shabaab.

Dhalinyarada Meydkooda la soo dhigay waddada ayaa ahaa kuwo surka laga gawracay isla markaana madaxu ka go’an yahay, goobta la soo dhigey wax dhiig ah kama muuqan waxaana loo badinayaa in goob kale lagu soo gawracay!, waxaana meydkooda la soo dhigey Xaafadda SOS ee Degmada Huriwaa. Degmada Huriwaa badankeed waxaa weli gacanta ku haya Xarakada al-Shabaab, oo iyagu isaga baxay meelo badan ay ka joogeen magaalada Muqdisho.

Dhalinyarada la gawracaayo ayaa todobaadyadii la soo dhaafey aad ugu soo badanayey magaalada Muqdisho iyo weliba goobo kale oo al-Shabaabku ka taliyaan, bishii hore ee August ayaa sidaan oo kale dhalinyaro la soo gawracay la dhigey Suuqa Xoolaha, lama garanaayo sababta dhabta ah ee ka danbeysa in bini’aadamka la gawraco kadibna jidadka la soo dhigo, waxaana ficiladaas aadka u xun ku dhaqma dad naxariistu ka guurtey.

Shabakada Baargaal.net
baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain