Maanso : Ogow quruxi Waa Diin



Ogow qurux waa diin daawo guurna waa samir.
Dadku magaca guud iyo dusha wuu ka simanyahay.
misane kala damiir roon.
Dariiqaa mareesiyo lama diidi karo calaf, hadane dood kalaa tiri.

Damanihii hurdaayaa dibi dhalay siciisuye ileen doqoni calaf maleh.
Warse waxaa ku daydaa darajada ilaahey waxaa hela ruux dadaala.
Adne D.. sxb guur doon hadaa tahay ha igu diidin waanada aan kula dar daarmee.
Dab nimaan ku joogsanin danbas kama fogaadee.
Biyo waxa la doogtaa inta roobka da’aayee
dulucda yeey ku dhaafinee dulka dhagaha maqalkiyo I amaahi dareenka.
Daaiman rag iyo dumar allaa nolal isugu daray qofna kali ma dagi karo .
Dunida raaxadeedadiyo marwo kaa danbeesiyo waa lamaane daacada .
Deyra yey ku raacinee inta hooy lawada dagine
dabar iyo hogaaniyo hubso diin ma leedahay .
Da’da manta joogtiyo ogow dumarku waa labo.
Dagan rabi hanuunsho kadahiran xumaano
daacad kuu adeegtoo Dar ilaahay ku adeecda iyo.
Daysan qeerkiyo xaqa laga dabooloo
Damiirkii xishoodkii kamaran dux iyo iimaan kala dooro labadaas.
Danti mooge waligiis dabin kama fogaadee .
Daahirow ubadkaaga hooyo fiican u door .
Abaar diirataaiyo qofna dab iyo meel kulul doog iyo xareediyo hark u doorsan maayee.
Dumarkaa xijaabane sidii ilaahay u dooray u daboolay jirkooda mid ka dooro sxb.
Ogow qurux waa diin dawo guurne waa samir .
Kuwa damaca waalee midabkoodii doorshee
difaacii jirkoodiye iskadiiray maqaarkiiye
dabka saari Karin shaah damac yaanu kaa galin .
Caariyaadka diriciyo marada dhinaca faydane
ninkastaba daawado dadka kama xigtide jooga.
Daawashada aflaamtiyo daman hees iyo muusik danteedii ku ilaawday
dulmi iyo xan mooyee kamaran dux iyo iimaan.
Dooqeygaa ku raaciyo dadkaa kuugu jecelahan daraadaa
ma seexdoo anaa adiga kaa daran.
Dhowr maali dabadeed xiisuhu markuu damo dacar noqoy jaceylkii .
Duduni weheli ma noqotee muran iyo dagaal iyo adaa dunida kuu nacay
ifur ku dooni maayee imaqashii dalaaqada ilaahay ku dooriyee
madaxayga ii daa erey darisku soo baxo
waxaa kaaga duug roon inaad doob ahaatee
qalbigii daxaleesta waanada ma deeqdee
ka durug labada daarood midna darajo malahane
guri duma ma fududee ,
Dayro yey ku raacinee intaan hoy lawada dagin
mida damacu kaa galay dabar iyo hogaaniyo hubso diin maleedahay .
Dadka kii ilaahay khayr la doono dhamaantii diintuu waafajiyaa.
Dumarkaa xijaabane siduu ilaahay u dooray u daboolay
jirkooda Mid ka dooro sxb ogow quruxu waa diin .
Dawo guurne waa samir .
Daruur soo hilaacdiyo .
Dayaxoo habeen bara sacab lama dul saaree
xuural caynta dunidiyo .
Duca qabooyinka dhowrsan.
Duruuftii ku heeysiyo .
Danta kuguma nacaayaan .
Dayro iyo saluuk maleh .
Danbi iyo xasarad maleh .
Dood iyo khilaaf maleh .
Wax islamku diidane .
Damiirkoodu ma ogola .
Daartii lageeyana marna nuurku kama damo .
Ducadiyo adkaartiyo kama daalo afkoodu .
Munkar iyo durbaaniyo aroos looma soo digo .
Daawa dhaafka guurkiyo ma ogolo daf iyo miriq.
Guriga daaradiisiyo duruustiyo tacliintiyo .
Dugsiga kama fogaadaaan.
Degenaanta edebtiyo samirka iyo dulqaadkana qalbigaa ku diirsada .
Dugsi lagu nagaadiyo dirin aad ku gama’diyo.
Soo dhaween ku deeqdiyo .
Daryeel aad ku qanacdiyo .
Xurmo ruuxaad damaqdiyo.
Daacad kuu adeegtiyo .
Daymo aad ku faraxdiyo .
Dibno hadal macaaniyo .
Gacan dabacsan naxariis kuwa loogu daw galay nin helaa madaayee .
Dadkoo jiifa badankii intaa shiikha daakirin .
Biyo diiran oo kulul .Marwo kuu diyaarida.
Dar allaa ku dhaartiye midkii loogu daray calaf .
Liibaanta dunidiyo daarta aaqiruu helay .
Dumarkaa xijaabane sidii ilaahay u dooray u daboolay jirkooda .
Mid ka dooro sxb ogow qurux waa diin daawo guurna waa samir.
WAXAA GABAYGAASI TIREYAY ABWAAN CISMAAN CABDULAAHI GUURE



Shabakada Baargaal.net
baargaal@gmail.com

Developed by Jago Desain