Mareykanka duqayn ka geystay Gobolka Jubbada hoose

Sida uu qoray bogga Tv,ga afka dawlada Iran ku hadla ee Press  Tv ayaa waxaa lagu sheegay in diyaaradaha dagaalka ee Maraykanku ay duqeymo ka geysteen gobolo ku yaala koofurta Soomaaliya.

Tv,gu waxaa uu sheegay in 24, kii saac ee la soo dhaafay duqeymo diyayaaradaha duuliye la’aanta ah ee Maraykanku leeyahay ku dileen deegaan lagu magacaabo Lug Madow oo hoos tagta magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbadda hoose ku dhawaad 35 ruux oo ka tirsanaa Xarakadda Al-Shabab.

Warkaan uu tabiyay Talefishinka Iran waxaa lagu sheegay in duqeyntaasi sidoo kale lagu bur buriyay 300 oo ton oo hub ah kaasi goob ugu keydsanaa Al-Shabab waxana warku intaa ku arayaa in dad deegaanka ku sugnaa ay xaqiijiyeen in tiro badan oo dagaalyahano ah ku dhaawacmeen weerarkaasi waxaana sidoo kale ay diyaaradaasi duqeyeen deegaan Lug Madaw la yiraahdo oo duleedka Kismaayo ku taala.

Wararku waxay sidoo kale sheegayaan in dhawrkii todobaad ee inaga tagtay ay deegaanadaasi dul marayeen diyaaradaha kaligood is wada ee Maraykanku leeyihiin

Maraykanka ayaa dhawr jeer duqeymo ka geystay meelo ka mid ah Soomaaliya waxaana uu horey u sheegay inuu diyaaradaha duuliye la’aanta ku taageerayo ciidamo Midawga Africa Soomaaliya ka jooga ee AMISOM.


Shabakada Baargaal.net
baargaal@gmail.com

Developed by Jago Desain