Runta aan isu sheegno : Xagee Umuuruhu Maraayaan Degaanadeena

Degaankeenii waxaa ka jira isfaham la'aan siyaasadeed mudo ku dhow lix bilood , haddana waxaa intii u sii dheraaday xog la’aan iyo dadka badankiis oo aan la socon meesha umuuruhu maraayaan .

Difaaca Dalka Iyo Daryeelkiisa  iyo horumarkiisa  Waa Wajib Inawada Saran , maaha mid dad gaara laga sugaayo

Eng Faarax dooxajoog , waa wada ogaydeen sidii baargaal loogu soo dhaweeyay , oo loo taageeray markii laysu niyad furnaa , rajaduna meesha ku jirtay , wax qabadna la hadal hayay

Markii uu engineerku Maqlay in maamulka puntland uu damacsanyahay inuu baargaal gobolka ka dhigo ayuu isbadalay , kuna gacanseeray wiilashii hay’ada ahaana soo ceershay asagoo ahayd rabitaankiisu in gobolka duuduub lagu siiyo si uu caluula uga dhigtoh Taas dadka badankiis ma lasocon ,

Bulshadu haday ka tagto inay is farto wanaaga iskana reebto xumaanta Waxaa lugu salidaa midaan u naxariisan kooda weyn ee tabarta daran  iyo midkooda yarba, taasina waa waxa hada jira marka uu maamulka eng faarax Dooxajoog uu la xirtay burcad badeedii meel walba laga soo masaafuriyay , kana dhigtay iyaga gacal iyo xigtooyo , taasina waxay keentay inay waxay rabaan sameeyaan waana la socotaan baabuurta layska dhacaayo iyo dhibta maalin walba joogtada ah , qofna ma jecla in dawlada siwaakhroon aasaaskeedu lacag burcadbadeed noqdo.

Waxa maanta reer Raascasayr la gudboon waxa ay rabaan inay samaystaan waa inay ka fiirsadaan ayaa haboon maxaa yeelay  caano aan fiiqsi loo dhamin iyo hadal aan fiirsi loo oran labadaba ferehay wax yeeleyaan

Anoo Jecel Qof walboo ila doodaaya inuu xaqiiqada jirata igula hadlo , Aniguba sidiinoo kale baan u jeclahay  inaan dawlad noqono oo soomali wax la qaybsano , laakin dhaqaale la’aan iyo madaxwaynaheenii oo Raashinkii loo qaaraamaayo ayaan u dul qaadan karin , hadana waxay leeyihiin madaxwaynuhu waaba socod ,

Ogow Aqoon La'aani waa iftiin la'aan, Aragtida kala duwan oo laysku ixtiraamo waa Guul


W/Q: Xasan Cali

Faafin Shabakada Baargaal.net  07-09-2011





Ku soo dir maqaaladaada: Baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain