Shirkii wadatashiga Soomaalida oo galay maalintii 2-aad

Shirkii wadatashiga qeybaha Soomaalida shalay uga furmay magaalada Muqdisho ayaa galay maalintii labaad, iyadoo madasha shirka laga badalay xaruntii golaha shacabka oo shalay uu ka furmay, waxaana kulmada maanta ay ka dhacayan dhisme ku dhog garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.
Shirka waxaa ka qeybgalaya ergo kala mataleysa dowladda KMG ee Soomaaliya, baarlamaanka KMG, maamul goboleedyada Puntland iyo Galmudug iyo Ahlu Sunna, waxaana garwadeen ka ah Qaramada Midoobay.
Ergooyinka ayaa ku qulqulaya madasha uu shirku ka dhacayo dhinacyada ka qeybgalaya la filayo in maanta ay kulamada maanta diiradda saaro sidii la iskula meel dhigi lahaa ajandayaasha kulanka oo ay kamid yihiin marxaladda kala guurka, amniga, dib u heshiisiinta iyo dhameystirka dastuurka.
Developed by Jago Desain