Diyaarado Gantaallo ku garaacay Dekada Kismayo

Suxufiyiin ku sugan magaalada Kismaayo ayaa warbaahinta soo gaarsiiyay  in diyaarado dagaal duqeymo ay ka fuliyeen qeybo ka mid ah magaaladaasi.
labo gantaal ayaa diyaaradaha duuliyaha aan laheyn waxa ay ku garaaceen magaalada kismaayo kuwaas oo la sheegay inay ka soo duleen xeebta magalada kismaayo.
Ilaa hada lama soo sheegin qasaare  ka dhashay duqeymaha ka dhacay magaalada kismaamaayo hase ahaatee waxaa jira cabsi dadka deegaanka ay ka qabaan in markale la duqeyo magaalada.
Dekada Magaalada Kismaayo ayaa ka mid ah goobaha ay duqeyeen diyaaradaha dagaal gaar ahaan haan weyn oo taalay dekada sida ay sheegayaan dadka deegaanka.
Ururka shabaab ee gacanta ku haya magaalada kismaayo ayaa lagu soo waramayaa inay heegan buuxa ay galiyeen ciidamadooda.
Ma jiraan wax faafaahin ah oo shabaab ay ka bixiyeen gantaalaha lagu garaacay gudaha magaalada kismaayo kuwaas oo bartilmaameedkoodu ahaa saldhigyada shabaab.
Deeganada gobolada jubooyinka ayaa inta badan waxaa ka dhaca duqeymo xaga cirka ah kuwaas oo ujeedkoodu yahay inay cagta mariyaan saldhigyada shabaab ee goboladaasi.

wixii soo kordha kala soco 
shabakada baargaal.net
baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain