October 23, 2011

Maxaa Norway iyo Kenya laga siiyaa badaha Soomaaliyeed By Prof. Maxamed Xareed







Xeerka Badaha Adduunka u Degsan
Tan iyo sanadkii 1950 ayaa qaramadda Midoobay ay ku hawlaneyd in sharci lo sameyo badaha adduunka. Dowr goor ayaa wadamada xorta ah isugu yimaadeen shir weyne hordhac ah si loo dejiyo xeer badeed. Sandkii 1982 ayaa 117 doladod saxiixeen sharciga Q.M. ee badaha adduunka.

Sanadkii 1970 ayaa Qaramada Midoobay ay soo diyaariyeen sharci caam ah oo loo sameynayo badaha aduunka, wuxu na si rasmi ah u dhaqan galay sanadkii 1994. Xeerka Q.M. ee badaha aduunka u degsani wuxu qeexayaa in wadan kasta oo xeeb lihi xaq u leeyahay in uu maamulo ku na takrifalo kheyraadka badda xuduudkiisa ku teedsan. Wadan kastaa wuxu xaq u leeyahay xuduud badeed gaaraya 200 nautic miles oo u dhiganta 370 km, laga soo bilaabo xeebaha wadankaas.

Inta u dhexeysay 1997-2009 ayaa Q.M. mar kale soo jeedisay in sharci kale oo cusub loo dejiyo badaha adduunka. Sharcigaas cusubi wuxu leeyahay in wadan kastaa fidsan karo xudduud badeedkiisa ilaa 648 km. Sharcigaas cusub waxa la soo saaray wakhti Soomaaliyaa ayan laheyn dowlad dhexe oo rasmi ah oo hanan karta xilka ka saaran guud ahaan xuduudyada wadanka. Waa arintaas waxa walaahowga keenay iyo in badaha Soomaliya ay noqdaan meel aan la kala laheyn kheyraadkeeda na loo daldasho si xaddhaaf ah.
Xeerka Q. M. (UNCLOS) ee badaha aduunka waxay Soomaaliya saxiixday 10kii diseembar 1982. 

Soomaaliyaa waxay ku adkeysatay oo ay Q.M. ka diiwaangelisay in xuduudka badeedu yahay 200 nautic mile oo u dhigma 370km kaas oo ah xuduud badeedka loo yaqaan: Aagga Gaarka ah ee Ganacsida (Exclusive Economic Zone).

Dalka Soomaaliya iyo dadkeeda

Soomaaliya waa dhul barwaaqo ah oo nasiib daran, kuwa sheegta an ay dayaceen. Waa dal dadka lihi ama sheegtaa ayan garaneyn sida dal loo daryeelo loo na daafaco. Waa dad ku dheereya in ay wax dumiyaan, ee aan wax dhiska saas u caadeysan ama aqoon u laheyn.
Soomaalida badankeedu ma garanayaan xilka ka saaran daryeelka dalkooda iyo xquuqda ay ku leeyihiin ba. Bulsho kastaa qiimaheeda iyo sharafkeedu  wuxu ku xiranyahay hadba sida ay dalkooda u xanaaneystaan u na dheefsadaan. Bulsho dal leh ayaa gobanimo, barwaaqo iyo karaamo ummadeed higsan karta.
La yaab ma laha dal dadkii lahaa ay duminayaan in shisheyuhu u soo hanqaltaago sida uu doono na ka yeelo. Waxa la wada ogyahay in Soomaliyaa tahay dhul Eebe ku mineystay kheyraad xad dhaaf ah xag biri, xag badeed, xag deegaan iyo cimilo ba. Waa dhulka lagu qiyaasay in boqol iyo konton malyan gof oo aqoon u lihi sida dhul kheyraadkiisa looga faa’ideyst ay nolo heer sare ah ka sameysan karaan. Waxa ugu weyn oo dhul qiimo u yeelaa waa dhirta iyo biyo. Waxa naxdin leh sida naxariisdarida leh ee dhulkeena loo xaalufinayo. Haddi ay sidaas ku sii socoto, Soomaliyaa waxay noqondoontaa dhul lama- degaan ah oo aan nololi ka suurtagelin. Waxa la suuqgeeyay warshadihi, kutubti maktabka iyo jaamacadda buuxay iyo wayaalo aan la qiimeyn karin, taariikhda Soomaaliyeed na ka tarjumayay oo matxafka ku keydsanaa.Dhulki anaga ayaa xaalufinay shisheyuhu na badaheena ayuu u tashaday. shisheyuhu wuxu xaalufinyaa badaheena oo kheyraadki ku jiray si xad dhaaf ah u boobayaa, soomalidu na dhulki ay xaalufisay oo dhirti iyo duurjoogti ka dhameysay. Waxa noo haridoonaa waa dhagax, ciid iyo biyo cusba leh oo aan wax faaido ah laheyn, nololi na ayan ka suurtoobi karin.

Waa maxay waxa Norway iyo Kenya ka midysanyihiin ?

Suaasha jawaabta u baahani waa in la ogaado waxa isku xiray oo Kenya iyo Norway ay ka mideysanyihiin ku na saabsan Soomaaliya. Waxa haboon in la ogaado waxa labadaas wadan isku xiray oo ay sanad kasta ugu dirqinayaan Dowladda ku Meelgaarka ah in ay la gasho heshiis ku saabsan badaha Soomaaliya. Qof kasta oo waxgarad ahi daah kama saara in Soomaaliya ay ka mid tahay wadamada ugu kheyraadka badan bad iyo biri ba.

Xagga badda Soomaaliya waxay deris la tahay wadamada shidaalka laga soo saaro kuwa ugu wax soo saarka badan. Waxan badda Hindiya la wadaagnaa wadamo badan oo shidaal iyo kheyraad badan kala soo baxa badahooda sida: Iiraan, Maleeshiya, Hindiya, Pakistaan, Burunay, Indoniisiya iwm. Wadamadaas oo dhan iyo Soomaaliya waxay ka mideysanyihiin ciidda iyo dhaqaxa  badda iyo dhulla hoostiisu ka sameysanyihiin oo calaamad lagu garto u ah in laga helo kheyraadka dhabiiciga ah. Dhulkayagu wuxu ka sameysanyahay nooca dhagaxa loo yaqaan afka qalaad ciida amd dhagaxa seedimenteri (sedimentary rock or soil). Wadama ku hormaray teknoolojiyada casriga ah, ku na xeeldheer sida loo baaro kheyraadka dhabiiciga ee ku jira badaha iyo biriga ba  waa yaqaaniin meel kasta oo shidaal iyo macaadiin kale  qiimo weyn lihi ku jiraan.

Norway waxay ka mid tahay wadamada ugu hormarsan xagga teknooloojiyada lagu baaro, lagu na soo saaro kheyraadka bad iyo biri ba ka buuxa. Norway waxay leedahay qalab casri ah oo shidaal iyo macaadiin kale looga soo saari karo badweyn qusurkeedu gaarayo 2500 ilaa 3000 mitir. Meelaha ugu qusursan Qalfoof qaaradeed ama badeedka Soomaliya wuxu gaarayaa 2000 ilaa 3000 mitir. Muddo dheer ayaa Norway cilmi-baarid ka waday xeebaha Soomaaliya dhan kasta, waxay na ka heysaa sir iyo macluumaadqotad heer. Norway waxay ka mid tahay wadamada leh maraakiibta kaluumeysiga kuwa ugu badan, xeebaha Soomaaliya na waa kuwa ugu kaluunka iyo xayawaanka bacoolaha badan.Waxa cad in ay ku aragtay kheyraad xad-dhaaf ah oo aan laga maarmi Karin. Norway waxaa u muuqda in ay maanta tahay marki ay waayo ku naalooneysay in ay hanato barwaaqada ay waayo u soo halgameysay kaas oo ah in ay gacanta ku dhigto xeebaheena.

Arimaha soo Dedejiyay in ay Norway Qaado Ololaha Xawliga ku Socda

Waxa jira arimo soo dedejiyay in ay Norway haatan qaado olole qorshesan oo ku wajahan badaha Soomaliya, waa na sidata:
  • Norway waxay saaxiib weyn oo ay isku danyihiin ku yeelatay Afrikada Bari, kaas oo ah Kenya. Waayhan ba Kenya waxay aheyd dulaal lagala tashado arimaha Soomaliya xag siyaasadeed, ag dhaqaale iyo xag bulshadeed ba. Dhibaatada iyo burburka Soomaaliya waxay Kenya u noqota fursan weyn oo ay danaheeda dhaqaale ku fushato. Waa 21 sano muddada Soomaliya burbur iyo colaad joogto ah ku soo jirtay, ayan na laheyn dowladd dhexe oo hanankarta danaha iyo badbaadada wadanka.
  • Waxa Kenya iyo Norway haatan u muuqda in masuuliyiinta dowladda Soomaliya ayan lahey biseyl xirfadeed iyo siyaasadeed ba, iyo in qaarkood na uu ku yaryahay dareenka wadaninimo iyo daacadnimo soomaaliyeed. Waxa jira kuwo masuuliyiintaas ka mid ah oo Kenya ay gacanta ku dhigtay oo ay wixi ay doonto ka dhameysato.
  •  Dunida waxa maanta soo foodsaaray dhibaato dhaqaale oo aad u baahsan iyo shidaal yari. Wadamo badan oo shidaalka soo saarijiray ayaa dhibaato siyaasadeed iyo xasiloonidaro ka aloosantay. Marka waa wax la maleysan karo in dal barwaaqo ah oo dayacan, wax ilaashanaya na laheyn in lagu soo haliilo, sidi la doono na laga yeelo.
Xeeladaha guracan ee Kenya

Waayahan ba Kenya faraha ayey kula jirtay arimaha Soomaliya xag siyaasadeed iyo xag dhaqaale ba. Arimaha soo soda ayaa Kenya damaca geliyay in dalkaas la baylihiyay ka faa’ideysato, xuduud badedka Soomaliya damac ka galo.
  • Xeebaha Soomaliya ee ku dhow xuduudka Kenya ayaa laga helay macaadin aad qiimo weyn u leh tekniloojiyada casriga ah oo waxyaalo badan laga sameyn karo sida maadada kiimikada ah ee loo yaqaan koromiyuumka iyo kuwo kale.
  • Waxaa jaraa’idka ay leeyihiin shirkadaha shidaalka soo saara ay baahiyeen in wadamada Geeska Afrika mustaqbilka laga soo saaridoono boqolkiiba 30% shidaalka dunidu u baahantahay. Muddo dheer ayaa Kenya laga baarayay shidaal, waase lagu guul dareystay. Arintaasi waxay madaxda Kenya ku dhalisay in ay u haqaltaagaan kheyraadka Soomaliya. Kenya waxay hadda ba dulaal u tahay shirkadaha shidaalka baara ama soo saara oo xafiisyo ku leh Nairobi, sida kuwa Norway leedahay.
  • Wadamo badan oo ay Kenya ka midtahay waxa ka sii yaraanaya kheyraadka badda sida kaluunlka, aragoostada, carcarsaanyada, lohodka, xayawaanka bocoolaha ku jira oo afka qalaad loo yaqaan “Sea Fruits” kuwaas oo afar jibaar ka qaalisan kaluunka caadiga ah. Kenya waxay u jeedaa xeebaha Soomaliya oo ay kheyraadkaasi ceegaagaan aan na sida haboon Soomalidu uga faa’deysan.
  • Kenya waxay ka mid tahay wadamo iyo shirkado badan oo faraha kula jira boobka kheyraadka Soomaaliy. Waa wax badanaa dhacikara oo la fishaa in kheyraadka wadan aan dowlad iyo dad dhacsanaya laheyn la boobo, sida la doono na loogu taliyo.
Xudduud badeedka Soomaliya iyo Kenya

Xuduudyada dhulka iyo badaha wadan kastaa waxay ka diiwaangashanyihiin xafiiska Qaraada Midoobay u qaabilsan xuduudaha badaha. Heyadda xuduudaha badaha u qaabilsan Q.M waxa la yiraahdaa: Heyadda caalamiga ah ee Q.M. u qaabilsan badaha (UN International Marine Organisation). Arimaha xudduud badeed ka dhexeya laba wadan oo deris ah waxa ka arisan kara, wax na ka bedeli kara heshiis ay wada gaareen dowladaha labada wadan ee deriska ah. Dowlad rasmi ah oo nidaam demoqaraadi ah lagu soo doortay ayaa heshiis caalami ah la geli karta wadan kale. Waxa loo baahanyahay in la cadeyo in aan mar na heshiis lagu geli Karin xudduud, bedel iyo dhukaaga wax igasii ama iga durug. Taasu ma dhici karto ma na ah wax laga hadlo, waayo dhul beec ma galo ma na la isa siiyo. Tan laga heshiin karaa waa in wadan ka codsado wadan kale in uu ka kaluumeysto xeebahiisa, ama in lagu heshiiyo sidi shidaal iyo kheyraad kale looga soo saarilahaa badda wadan leeyahay.

Xudduudka badaha ee ka dhexeya laba wadan waxa tilmaamaya xariiq toosan oo sameyneysa 90º derejo oo dhan kasta ah, kana soo belaabata xeebta wadan kasta oo ku dherersan badweynta ilaa inta xuduud badeedka wadanku gaarayo oo u sharciyeysan.

Galfoof Qaareedka Soomaliya oo ku fidsan badweynta Hindiya wuxu ka midyahay kuwa ugu dheer qalfoofyada badaha. Inta hadda u sharciyeysan wuxu gaarayaa 370 km iyo ka badan ba, marka laga soo bilaabo xeebaha ilaa meesha ugu qusursan badweynta oo uu ku egyahay Qalfoof Qaareedku.

Waxa cad in Kenya damac ka galay u na hanqaltaageyso in ay, badeena kheyraadka badani ceegaagaan, wax ka ciriirsato ama ay dulaal ka noqoto. Waxay Kenya isku deyeysaa in ay xariiq xudduudeedka toosan oo noo dhexeya ay wax ka bedesho. Waxay ku dadaaleysaa in ay xariiqda toosan xaggayaga u soo janjeeriso, si halkaas ay uga soo baxdo xudduud badeed intii hore ee ay laheyd ka balaaran. Haddii taasu dhacdo waxa sameysmaya xariiq xudduudeed leh laba xagal oo kala yar. Dhankeenu wuxu yeelanyaa xagal 45º ilaa 60º derejo ah, dhanka Kenya na wuxu yeelanaya xagal 120º ilaa 135º derejo. Damac dhuleedka Kenya waxa laga garan karaa heshiiski guracanaa ee loo bixiyay Memooraduum Isafgarad ee ay wada gaareen Kenya iyo Dowladda Kumeelgaarka Soomaliyeed.

Heshiiskaas ma ku cadda waxa lagu heshiiyay ama la isku afgartay. Kenya waxay ku dhawaaqday in ay qoraalka heshiisaas ka diiwaangelindoonto xafiiska Q.M u qaabilsan arimahaas. Xeerka Q.M ee u degsan badaha adduunka wuxu dhigayaa in aan arin xuduud la diiwaangelin karin, mar haddii labada qowladood ee xduudku ka dhexeyaa wada saxiixin.

Bulshada Soomaliyeed Waxay ammaan gaar ah u soo jeedinayaan golaha shacbiga oo heshiiskaas guracan is hortaagay, hadda na isku raacay in aan laga wada hadli Karin arimo ku saabsan xuduud badeedka Soomaliyeed.

Waxa tixgelin weyn mudan baaqi wadaninimo uu u soo jeedshay taliyaha ciidamada badda soomaaliyeed Jeneraal Qare.Waxan si wadaninimo iyo soomalinimo leh ugu baaqeynaa guud ahaan bulshada Soomaliyeed in ka midoobaan badbaadada dalkooda. Waxa loogu yeerayaa qurbajoogtada iyo daljoogta Soomaliyeed in ay arinkan u istaagaan, oo ay sameyaan waxa la gudboon oo looga hortegi karo boobka lagu hayo dalkeena.
Prof. Maxamed Xareed Cali
NEXT ARTICLE Next Post
PREVIOUS ARTICLE Previous Post
NEXT ARTICLE Next Post
PREVIOUS ARTICLE Previous Post
 

Delivered by FeedBurner