War Deg Deg Ah: Nin Danish Ah Iyo Gabar Mareykan Ah Oo Lagu Afduubey Koonfurta Gaalkacyo

Labo qof oo ajnabi ah una shaqeynayey Hay’ada baarta Miinada ee lagu magacaabo Danish Demining Group ayaa lagu afduubey Xaafada Baraxley ee Koonfurta Gaalkacyo, Labadaan qof ayaa kala ah Nin Daanisha ah oo 60 jir ah iyo haweeney 35 jir ah una dhalatey Mareykanka.

Afduubkaan ayaa loo geystey labadaan qof ka dib markii ay soo weerareen niman hubeysan, meesha ay la aadeen ilaa hada lama xaqiijin, warar aan sugneyn ayaa sheegaya in loo kaxeystey dhinaca Hobyo.
Dhinaca Dowlada Mareykanka ilaa hada wax wara kama soo bixin oo kusaabsan Haweyneyda Mareykanka ah ee la afduubey, balse Wasaarada Arimaha Dibada Denmark ayaa xaqiijisey in la afduubey labadaan qof.
Waxaa kaloo weheliya Nin Soomaali ah oo turjubaan u ahaa.

Shabakada Baargaal.net
Developed by Jago Desain