Wasaarada Amniga Puntland oo ka hadashay Dilka Taliyihii Ciidamada SBU gobolka Bari

Wasiirka Wasaarada Amniga Dowlada Puntland Khaliif Ciise Mudan  ayaa tacsi tiiranyo leh Udiray Marxuun Mursal Xaaji Saleebaan oo isagu ku Geeriyooday Magaalada Gaalkacayo ee Xarunta Gobalka Mudug .

Isagoo ilahay uga bar yay inuu samir iyo imaan ka siiyo Dadkii  Qaraabadii Ciidankii  iyo Dalkii uu ka baxay Mursal Xaaji Saleebaan oo uu sheegay inuu ahaa Nin in badan Dalka wax u soo  qabtay  isla markaan  uu ku geeriyooday kacan ka Xaqdaran.

Mursal Xaaji Saleebaan ayaa wax uu ahaa Taliyah Ciidamada SBU da ee Gobalka Bari wax uuna u geeriyooday dhaawac soo gaaray  maalinimadii Sabtida ahayd dhaawacaas oo ay u gaysteen koox dabalay ah oo ku dhaawacay magalada Boosaaso isaga iyo mid ka mid ah istaafkiisa.

Waxaana loo qaaday Magaalada Gaalkacayo si halkaasi laagu soo dabiibo iyadoo la sheegay in aan Boosaaso aan wax looga qaban karin .

Hase ahaatee wax uu ku geeriyooday magaalada Galkacayo iyadoo halkaa lagu aasay Shaly Subax.  askiisa ayaa waxaa ka soo qayb galay Madax ka socotay  Dowlada Putland . Odayaal dhaqameedyo iyo Culimo  iyagoo dhamaan Dadkii ka soo qayb galay askaa ay ilahay uga baryeen inuu janadii ka waraabiyo madaama uu ku geeriyooday gacan ka xaqdaran.

Wasiirka Dowlada Puntland Khaliif Ciise MUdan ayaa sheegay in Dadkii gaystay Dilkaa qaar ka mid ah gacanta lagu hayo halka inta kalana lagu raadjoogo.

Sidoo kale wax uu wasiirku mar uu  u waramayay Barnaamijka Xulka  Wararka 24 saac uu sheegay in Magaalada Gaalkacayo arintii uu utagay ay tahay mid guul ku  ku dhamaatay isagoo sheegay in Dadkii halkaa ka bara kacay ay dib u soo celiyeen.

Ugu dabanytii wax uu Shacabka iyo Ciidanka Puntland uu ugu baaqay inay ka wada shaqeeyaan amaanka Puntland sida ay hada uga wada shaqeeyaan si ka sii fiican.
Developed by Jago Desain