November 16, 2011

Bulshada Xeebaha ku Dhaqan: Waxaanu Eersanaa Waa Burcad-Badeedda

Qoraalkani wuxu diiradda saarayaa isla markaasna tilmaan ka bixinayaa dhibaatada ay ku hayso dadka ku dhaqan deegaamada xeebaha burcadda baddu. Sida aan ogsoonahay waayadan dambe waxaa isa soo tarayey dhibaatooyinka salka ku haya burcad-baddeednimada iyo saamaynta ay ku yeelatay hab-nololeedka bulshada Soomaaliyeed guud ahaan iyo gaar ahaan qaybaha kala duwan ee xeebaha ku dhaqan. Xeebuhu waa degaan ay ku dhaqan yihiin dad badan oo noloshoodu ku tiirsantahay khayraadka baddu. Dad badan ayaa ka xoogsada badda oo noloshooduba ku tiirsan tahay in kale oo bandanna waa ka ganacsadaan ayeey.
Kalluumaysatada: Kalluumaysigu ma aha oo keliya mid dhaqaalaha reer xeebeedka wax ka tara, balse wuxu tiir muhiim ah ka yahay dhaqaalaha guud ee dalka. Burburkii ka hor waxa wax-soo-saarka badda ku hawlanaa kalluumaysato kor u dhaafeeysa ilaa 30.000, waxa kale oo ka ganacsan jirey ama si dadban noloshoodu ugu tiirsanay dad ka badan ilaa 60.000 oo qof (warbixintii kalluumaysiga Somalia FAO ee 1990kii). In badan oo dadkaas ka mid ahi maantay waa shaqo la’aan in kalena wexeyba si toos ah ugu biireen Burcad-badeedda oo lagaba yaabo in ay ku dhinteen ama dalal dibeddaha ugu xiran yihiin markii ciidamada huwanta ahi qab-qabteen. Ganacsato badan ayaa ku musallaftay markii ay qalabkii ay hantidoodii ku maal-geliyeen, sida qaboojiyeyaal, doonyo iyo shabaag, ay hawlgab noqdeen.
Dhibaatooyinka: Burcad-baddeeda ayaa dhibaato ku haya badda iyo dadka ku dhaqan xeebaha. Taas waxay sii adkeysay noloshii dadka. Haddaan soo qaadano dhibaatooyinka kaluumeysatada haysata marka ay u xoogsi tagaan badda waxay la kulmaan dhacdooyin kala duwan, ay sabab u tahay burcad-baddeednimadu. Dagaalka aan kala go’a lahayn ee burcadda iyo ciidamada Huwanta ayaa galaafta kallumaysato fara badan. Lama kala saari karo doonta yar oo burcaddu wax ku afduubeyso iyo tan ay kalluumaysato sabool ahi ku jilaabanayaa. Kalluumaysatadii dhabta ahayd wexey door bideen in ay ka joogaan badda iyo ka xoogsigeeda intii ay u dhiman lahaayeen burcad ahaan.
Dhibaatooyinka haysta kalluumaysatada waa mid ay inta badan sabab u yihiin burcad – baddeeddu, waxaa marar badan dhacay in kaluumeysato la waayo meel ay jaan iyo cirib dhigeen. Taasi aad iyo aad ayey u sii adkaysaa noloshii awwalba qallafsanayd ee qoysask kalluuumaysatada. Ninkii dhawr cisho ka hor badda u shaqa tegey xaaskiisii iyo carruurtiisii weli xeebta ayey taagan yihiin, nolo iyo geeri midna kuma hayaan. Sidoo kale, hay’adaha dowladda iyo kuwa samafalku ma tegi karaan deegaamada xeebaha iyaggoo ka cabsanaya in burcad-baddeedu dhibaato u geysato. Amniga lama sugi karo, adeeg wax uu yahayba lagama fulin karo. Sumcaddii ummadda iyo magic-ba’una u dheer…..
Xeebaleyda ay burcad-baddeedu saldhigyada ka dhigatay waxay ka horjooogsadeen dhammaan wixii noloshu ku tiirsanayd. Bad lagama soo jillaaban karo, berrina wax kama imanayaan. Haddaba maxaa la gudboon kalluumaysatada danyarta ah iyo bulshada xeebaha deggan?
Fariintaan waxaa idin soo gudbinaya hay’adda PDRC oo kaashanaysa hay’adda UNPOS
NEXT ARTICLE Next Post
PREVIOUS ARTICLE Previous Post
NEXT ARTICLE Next Post
PREVIOUS ARTICLE Previous Post
 

Delivered by FeedBurner