Ciidamada AMISOM iyo kuwa dowlada oo dad rayid ah ku dilay goob macaawino lagu qeybinayey

3 ruux ayaa ku geeriyootay inta la hubo 5 kalana dhaawacyo ayaa soo gaaray kadib marki ciidamada dowlada iyo kuwa AMISOM ay rasaas ku fureen dad isku dayey in ay boobaan raashin mucaawino ah degadam Kaaraan ee magaalada Muqdisho.
Dadka dhintay ayaa la sheegay in ay galaafatay rasaas ay fureen ciidamada oo sugayey amaanka xarunta degmada Kaaraan oo ay ka socotay howlo dad masaakiin ah loogu qeybinayey raashin mucaawino ah.
Faadumo Maxamed oo ah gabar goob joog aheyd ayaa Horseed Media u sheegtay in ay aragtay dhimashada sadex ruux oo midi ay hayed haweeney, halka goobta laga qaaday dhaawacyada shan kale.
Dad badan oo qaarkood watay baangado ayaa la sheegay in ay isku dayeen in ay xoog ku qaataan raashinka taasi oo keentay in ciidamada ay rasaas u adeegsadaan, laakin wali si aad ah looma hubo sababta rasmiga ah ee ciidamada ku kaliftay in ay laayaan dadka masaakiinta ah.
Shalay ayey aheyd marki ciidamo ka tirsan kuwa dowlada FKMG Soomaaliya ay rasaas ooda uga qaadeen dad raashin mucaawino ah loogu qeybiyey degmada Hiliwaa, halkaasi oo ay ku dhinteen 2 ruux.
Developed by Jago Desain