Dagaal kadhacay deegaanka Dawacada ee gobolka Bari.

Iska horimaad hubaysan oo u dhaxeeyay maleeshiyo beeleed xoolo dhaqato ayaa galabta ka dhacay deegaanka Dawacada ee gobolka Bari.

Wararka laga helayo deegmada Ufayn ee gobolka Bari ayaa sheegaya in dagaalkan uu gaystay khasaarooyin kale duwan oo isugu jirta dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray maleeshiyadii dagaalamay ee xoolo dhaqatada ahaa,waxaaana wararku ay sheegayaan inuu iska horimaadkan uu la xiriiro muran kusaabsan dhuldaaqsimeed ku yaala goobta dagaalka uu kadhacay .

Macadda khasaaraha rasmiga ee kadhashay dagaalkan,waxaana uu iska horimaadkan uu dhacay xilli magaalada Bosaaso ee xarunta gobolka Bari ay kulamo ku leeyihiin waxgarad kasoo jeeda beelaha Cali Saleebaan iyo Muuse Saleebaan oo ay kasoo jeedaan maleeshiyaadka galabta dagaalamay,waxaana kulamada diiradda lagu saarayaa xal u helida colaad maleeshiyo beeleed xoolo dhaqato sidaan oo kale ay ku dagaalamay degmada Rakoraaxo ee gobolka Karkaar.

SHABAKADA BAARGAAL.NET
baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain