Dhawr nooc oo bariiska aynu cuno ka mida oo ay ku badan tahay maado kiimiko ah oo taranka wax u dhimaysa

Dadka dunnida ku nool ayaa badanaa bariisku u yahay cuntada muhiimka ah ee ay cunaan maalin walba, dadkaas waxaa ka mid dadka soomaalida oo maalin walba cuna bariiska. Haddaba waxaa jirta marka la beerayo bariiska in lagu shubo maadooyin kiimiko ah oo loo isticmaalo siyaabooyin kala duwan oo ay ka mid yihiin in si degdeg ah u soo saaraan bariiska ama degdeg ugu soo baxo, ama ka ilaalisa cayayaanka. Laba maado oo kiimikada ahi waxay qabtaan in ay midi ka ilaaliso in uu wixii la beerayey ee bariiska ahaa uu qaayiso (xumaado) midna waa mid ka ilaaliska cayayaanka.

Haddaba maadooyinkaas kiimikada haddii xadigii ama qiyaastii loogu talo agalay in ka badan lagu shubo waxa ay keentaa halis caafimaad darro ah. Taas oo keenta in ay taranka qofka wax u dhinto, waxa kale oo ay keentaa in ilmaha uurka ku jira ay dhibaato caafimaad daro u keento. Bal haddaba sayt-ka (Home-page) iswidhisha oo tijaabiya ama test gareeya cuntooyinka oo magaciista la yidhaahdo Testfakta.se ayaa waxa uu daboolka ka qaaday in dhawr nooc oo bariiska ka mid ahi ay aad ugu badan tahay maadooyin kiimiko ah, oo aan caafimaadka u wanaagsanayn. Waxaan lagu soo baadhay dhawr-ka nooc ee bariiska ah shaybaadhka cuntada lagu baadho.
Bal haddaba aynu eegno noocyada ay kala yihiin bariiskaasi.
Sida aad sawirka ka arkaysaan waa toboda nooc oo kala ah:

1- Daavat
2- Eldorado
3- Euroshoshopper
4- Habib
5- Katos
6- Mahmood Sella
7- Shiva Sela
Haddaba bal mid mid aynu u gudo galno.
1- Daavat: maadadada kiimikada ee ku jirta waxa ay 3 goor ka badan tahay inta caadiga ah ee loogo talo galay.
2- Eldorado: Waxa yara saraysa maadada kiimikada ku jirta qaayiska la dagaalanta, kuma jirto maadada kiimika ah ee la dagaalanta cayayaanka
3- Euroshopper: qiyaasta/xadiga maadada kiimikada la dagaalanta cayayaanka ayaa ka saraysa inta loogu talo galay.
4- Habib: Waxaa aad ugu yara badan maadada la dagaalanka qaayiska (xumaado) kuma jirto maadada kiimikada ee la dagaalanka cayayaanka.
5- Katos: Waxaa aad ugu badan oo ku jirta maadada kiimikada ah ee ka hortaga qaayiska.
6- Mahmood Sella: Waxa aad iyo aad ugu badan maadada kiimika ah ee la dagaalanka cayayaanka.
7- Shiva Sela: Waxaa ku jira maadooyinka la dagaalanka/ka hortaga cayayaanka, waxaanay maadoouinkaas kiimikada ahi 4 goor ka sareeyaan inta caadiga ah ee loogu talo galay.
Waxa loo kala qaybiyey laba nooc
1- Kiimikada loo isticmaalo la dagaalanka/ka hortaga cayayaanka oo magacyadooda la yidhaahdo
Carbendazim (MBC) and benomyl
imidacloprid
Isoprotiolan
Pirimiphos-methyl
Propiconazol
Tricyclazol
* Measurement uncertainty is + / – 0.01 mg
2- Kiimmikada sunta ah ee la dagaalanta ama ka hortagta qaayiska oo magacooda la yidhaahdo
aflatoxin B1
Toboda nooc ee bariiska ah saddex ka mida waxaa saaran calaamada x oo midab casaana leh iyo kuwa ay saaran tahay calaamada / oo akhtara.
Halkan ka akhriso natiijada.
Waxaa ugu darnaa bariiska Shiva Sela, waxaa ku jirta maadada kiimikada ah, 4 goor in ka badan inta caadiga ah ee loogu tallo galay.
Halkan ka akhriso natiijada oo dhan!
Developed by Jago Desain