November 09, 2011

Maamulka Puntland oo Somaliland ku eedaysay hurinta Colaada Ceerigaabo

SHARE
Garoowe:-Warsaxafadeedka ka soo baxay xarunta  madaxtooyada ee magaalda  Garoowe ee xarunta Maamulka Puntland ayaa Puntland waxay ku eedeysay colaada ka socota magaalada  Ceerigaabo Maamulka S/land warsaxaafadeedka ayaa lagu sheegay in S/land  ka dhexhurineyso colaad qabiil dadka wada degan Deegaanka Ceerigaabo.

Warr saxaafadeedkaan ayaa waxaa warbaahinta  u aqriyay Afhayeenka Maamulka Puntland Axmed Cumar Xirsi {libaax joore} waxaana uu u qornaa sidan.



Puntland State of Somalia       Garowe 
WAR SAXAFADEED.
9 Nofembar 2011 

Waxaa Magaalada Ceerigaabo ee Gobolka Sanaag ay ciidamada Maamulka Somaliland ku laayeen dad shacab ah, 5-ta iyo 6-da bishan Nofembar, iyadoo falkaasi foosha xun uu sababay dhimashada 4-qof iyo dhaawaca 13-qof, iyo weliba barakaca bulshada Reer Ceerigaabo. 
Caado ayey u noqotay Maamulka Somaliland in ay bulsho meel wada deggan colaad dhex-dhigaan iyagoo gacansiin ku salaysan Qabyaalad kula kacaya dadka shacabka ah.  
          Ma ah markii ugu horeysay oo ay dhacdo arrintaan oo kale, waxaana ugu danbeysay
colaadii deegaanka Kalshaale. Mala aqbali karo in Maamulka Somaliland uu huriyo colaad Qabyaalad ku salaysan. 
Waxaan ugu baaqeynaa beelaha deriska ah ee Reer Ceerigaabo in ay ka digtoonaadaan dabinka colaadeed ee loo maleegayo. Sidoo kale, waxaan Shacabka ugu baaqeynaa in ay mar kasta ilaashadaan nabadgelyada iyo xasiloonidda. 
Beesha Caalamka waxaan ugu baaqeynaa in maatada la barakicinayo ay gargaar dhan kasta ah u fidiyaan iyo in Mas’uuliyiinta Somaliland oo ku mashquulsan hurinta iyo fidinta colaadaha tallaabo Dowli ah laga qaado.
Communications Office    / The Puntland Presidency
Puntland State of Somalia

SHABAKADA BAARGAAL.NET
Baargaal@gmail.com 
SHARE

Author: verified_user