TALEEX : M.kuxigeenka PL oo walaalkiis iyo Wiil uu Adeer u yahay oo la dilay

Taleex:-Waxaa magaalada Taleex lagu dilay 2 qof oo midkood ay walalo yihiin M-waynekuxigeenka Puntland Gen. Cabdisamad Cali Shire oo lagu magacaabi jiray Sumini Cali Shire iyo Wiil uu Adeer u yahay oo lagu magacaabi jiray ina Saalax Cali Shire waxaana wararka qaarkood ay sheegayaan in ay dilkooda kadambeeyeen kooxo isla deegaanka ah.

Sumini Cali Shire oo ay walalo ahaayeen M-waynekuxigeenka Puntland ayaa waxa uu kamid ahaa ganacsatada magaalada Garoowe oo uu daganaa waxaana la sheegay in uu magaalada Taleex uu ka waday mashaariic dhanka horumarinta ah.

Taleex, ayaa waxaa la filayay in uu ka furmo shir-beeleed beesha Dhulbahante oo loogu magacdaray Khaatumo 2, balse dilkan ayaa waxa uu u muuqdaa mid sii kala fogaynaya beesha deegaanka oo muddo dheer khilaaf dhanka maamulada Puntland iy Somaliland uu ka dhex aloosnaa.


Shabkada Baargaal.net
Baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain