Wasaaradda Haweenka oo Lacag ugu deeqday dadkii ku hanti beelay dabkii Bosaaso

Wasaaradda Haween iyo Arimaha Qoyska Dawlada Puntland ayaa Si rasmiya ugu dhawaaqday inay 100,000,000 (Boqol Maliyan oo Shilin Somali ah) ugu deeqday dadkii reer Puntland iyo Somaaliyeed ee wax ku noqday dabkii Khasaaraha faraha badan Dhaliyey ee kakacay suuqa Magaalada Bosaaso,

Wasiirka wasaaradda Haweenka iyo Arimaha qoyska Marwo Caasho Gelle Diiriye oo saxaafada kula hadlaysay Xarunta wasaaradda Haween ee Magaalada Garowe ayaa sheegtay in wasaaradeedu Boqol Milyan oo shilin Somali ah ugu deeqday dadkaasi la tiraan yeysan Dhibaatadii uu u Gaystay dabkii Naxdinta badnaa ee kakacay Suuqa weyn ee Magaalada Bosaaso waxayna hay’adaha kale ee dawlada ugu Baaqday inay talaabadas oo kale qaatan si loo gacan qabto Umada ay dhibaatadu ka soo gaadhay Masiibadaasi dabeed,

Marwo Caasho Geele diiriye waxay sheegtay inay lacagtan ay ugu deeqeen dadkii ku hanti beelay dabkii khasaaraha badnaa ay ka jareen Mushaarka Shaqaalaha wasaaradda halka qaar badan oo kamid ah shaqaalaha wasaaradu ay gabi ahaanba bixiyeen Mushaaradkoodii Bishan iyagoo ka duulaya dhiibatada qabsatay walaalohooda ay ku habsatay masiibada rabaaniga ahi,

Wasiirka wasaarada Haweenka ayaa sheegtay inay taageero kooban u tahay dadkii ku hanti beelay Masiibadii Dabka hase ahaate waxay baaq u jeedisay dhamaan wasaaradaha dawlada, Hay’adaha Caalamiga ah iyo Bulshada reer Puntland ee iyagu dadkaasi wax u awoodi kara ,

Sidoo kale wasiirka wasaaradda haweenka dawlada Puntland Marwo Caasha Geelle diiriye waxay dadweynaha reer Puntland iyo Guud ahaa kuwa somaaliyeed uga tacsiyeysay  allaha u naxariiste Dr Axmed Xaaji C/raxmaan oo kooxo Dhagar qabayaal ah ku dileen Gudaha Magaalada Bosaaso waxayna illaahay Marxuumka uga rajaysay Janadii inuu ka waraabiyo.

Isku soo wada duubo Deeqda ay wasaaradda Haweenka iyo Arimaha qoysku ugu deeqday Dadka ku hanti beelay dabkii xoogana ee kakacay suuqa magaalada Bosaaso ayaa la filaya inay wax un u dabooli Doonto ay Gacan qabasho intaa ka sii badan u baahan yahay hadana waxaa la oran karaa waa Wado ku dayasho mudan oo ay qaaday wasaaradda Haweenka waana Hay’adii ama Xitaa cidii ugu horaysay ee wax ugu deeqda umadda Somaaliyeed ee ku hanti beeshay Masiibadii Dabeed ee Magaalada Bosaaso.

Shabakada Baargaal.net
Developed by Jago Desain