Go'aamadii kasoo Baxay Shirkii Nabadaynta Taageer

Taariikhdu marka ay ahayd 27/12/2011 ayaa beelo walaalo ah waxaa ku Dhexmaray Tuulada  Taageer  Iska Hor imaad beelahaas oo ah kuwo wada degan Tuulada Taageer oo kala ah :


  1. Beesha Ismaaciil saleebaan
  2. Beesha Aadan C/raxmaan
Iyadoo ay jirin Cid waxyeelo ku soo gaartay iska horimaad kaas
Waxaana Magaalooyin badan uga soo gurmaday guurti fara badan

Kadib markii guurtidaasi u fariisteen xalinta arintaas waxaa laga gaaray heshiis nabadeed labada dhinacba , waxayna ku heshiiyeen arimaha hoos ku qoran :


1.      In amaanka guud uu yahay Muqadas Loona wada ilaaliyo si wadajir ah
2.      Qofkii dhigta isbaaro aysan guurtida magaaladu ogayn wuxuu mutaysanaayaa             Ginaax   dhan $ 1000 (kun Dollar )
3.      Deegaanka taageer qofkii gaari ka afduuba wuxuu mutaysanaayaa Ginaax dhan  $ 3000 (sadex kun oo Dollar )
4.      Cidii duulaan ka qaadda magaalada ama Ku soo qaadda waxay mudanaayaan Ginaax dhan $ 10,000 (Toban kun oo Dollar )
5.      Qofkii Dhulka dadka kale ka sheegta oo aan wanaag ula jeedin sida xaaluf ka joojinta wuxuu mutaysanaayaa Ginaax Dhaan  $ 1000 ( kun Dollar )
6.      Qofkii magaalada dhexdeeda karida xabad bilaa macne ah oo bulshada argagax galinaysa wuxuu mudanaayaa Ginaax Dhan   $ 100 ( Boqol Dollar )
7.      Qofkii Xabad ku rida qof kale  si ula kac ah wuxuu mudanaayaa Ginaax  dhan $ 500 (Shan boqol oo Dollar )
8.                  Dhagax tuurka magaalada dhexdeeda cidii lagu helo waxay mudanaysaa Ginaax dhan $ 50 (konton Dollar )
9.                  Ginaaxaasi qofkuu qabsado waxaa laga rabaa isaga iyo jifidiisa wuxuuna dhaqan galaayaa  4 /1/2012

Waxaa kaloo lagu heshiiyay wixii xeer beeg ah ee degaanku lahaa inay ahaato sideedii





Saxiixayaal :

Sheekh Ciise Muuse Shirwac  (Gudoomiye )
Sheekh warsame yuusuf axmed
Yuusuf Cismaan Cali
Kaatun Nuur Axmed
Maxamed Xasan Axmed  ( kulusow)
Cali Axmed Cali (Kolon)
Axmed saalax (Faange)
Maxamuud Caynab Muuse
Saalax Cumar Samatar
Nuur M. xuseen
Cabdi Geelle Nuur
Samatar Siciid Jaamac
Siciid Axmed Jaamac
Siciid M. Axmed
Diraac Cali Cumar
Rooble Dhuxul Cismaan





                                       Wabilaahi Tawfiiq 
Developed by Jago Desain