“Qolooyinka reer Baargaal oo intaa ku haya waxba nalooma qaban waxaan u sheegayaa mashaariic fara badan baa idiin soo socota”

Madaxweynaha Puntland C/raxmaan Maxamed Faroole oo khudbad dheer ka jeediyey xarunta madaxtooyada magaalada Boosaaso Ayaa qirtay in Maamulkiisa aanay ku qanacsaneyn Reer Bari

Xaflad Balaaran oo loo qabtay sanad guuradii sadexaad intuu xilka madaxwaynaha puntland qabtay , ayuu madaxwayne Faroole  sheegay in mudadii uu jiray maamulkiisa uu xooga saaray amaanka gaar ahaan wax ka qabashada Al-Shabaab iyo kooxaha burcad badeeda oo iyaguna uu sheegay inay dhibaato badan ku hayaan maamulkiisa.

Waxaan idiin sheegayaa dadka reer Puntland-now saddexdii sano ee halkan joognay wax badan ayaan qabanay ILLAAH haddii laga baqo. Way jiraan in wax badan dhiman yihiin caqabadana waa jiraan naga hor yimid

Tabashada dadka Madaxweynaha Puntland wuxuu si aan ka leexad lahayn u qiray in dhaliilo badan loo soo jeediyey maamulkiisa gaar ahaan waxqabadka gudaha. “Inkastoo ay jiraan dhaliilo fara badan haddana dadka reer Puntland-now waxaan idiin sheegayaa inaan dadaalnay oo aan qabanay intii karaankeena” ayuu yiri Faroole.

Wuxuu sheegay in cqabado badan ay hortaagan yihiin maamulka, hase yeeshee aysan ahayn in maamulka oo kaliya lagu haleeyo inuu wax walba qabto. “Qolooyinka reer Baargaal oo intaa ku haya waxba nalooma qaban waxaan u sheegayaa mashaariic fara badan baa idiin soo socota”

Dhaliisha reer Bari Madaxweyne Faroole wuxuu ku dhaliilay dadka ku nool gobolka Bari gaar ahaan “reer Boosaaso” inaysan ku buraarugsaneyn waxqabadka maamulkiisa isagoo ugu baaqay inay iska daayaan hadalada meelaha lagu wadwado ee ay maamulkiisa taageeraan.

waxuu kale oo faroole ka hadlay khudbadiisii shirkada Saracen International oo Puntland kula heshiisay dhanka amniga iyo tababarka ciidamada badda  oo la xayiray kadib markii dacwado laga geeyay dibada , alshabaab , iyo khilaafka madaxda  FKMG iyo khilaafka baarlamaanka


Shabakada Baargaal.net
baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain