Cudur Daar Ku socda : Dhamaan Akhristayaasha Shabakada Baargaal.net

Shabakada Baargaal.net ayaa akhristayaasheeda Sharafta Leh u soo gudbinaysa Cudurdaar , Hakadkii ku yimid Mudadii La soo Dhaafay Qoraaladii Beejka Intrenedka  cilad xaga khadka internetka ah awgeed , Mudadaas oo Bulshada Degaanka Calbari ay soo wajaheen arimo badan oo u baahnaa iskaashi ,wada tashi iyo wada hadal , 

arimahaas oo ugu muhiimsanaa Dilkii loo gaystay marxuum Bile Maxamuud Yuusuf , anagoo Halkan  tacsi uga direeyna caruurtii , eheladii , qaraabadii iyo Asxaabtii iyo Dhamaan Bulsha waynta Degaanada Calbari oo uu ahaa marxuumku alaha ha u naxariistee , xildhibaan matala degaanadan , waxaana marxuumka eebe uga baryaynaa inuu janadii ka waraabiyo , anagana Samir Naga siiyo 

Waxaa kaloo kamid ahaa arimihii mudadaas dhacay , dacwadii ka dhalatay dilkii marxuum bile maxamuud yuusuf iyo isku dhicii garabkii lahaa Dhiigiisa iyo garabkii loo haystay dilka marxuumka .

Mudadii intaas ahayd waxaa meeshoodii ka socday  adeegyadii kale ee aan bulshada u qaban jirnay  ee aan ku xirnayn khadka internetka , 

ugu danbayn waxaa dhamaan akhristayaasha ugu baaqaynaa in la ilaaliyo midnimo , walaalnimada iyo wada shaqaynta bulshada dhexdeeda , lana iska ilaaliyo wax kastoo wax u dhimaaya midnimadeena iyo horumarkeena 

Shabakada Baargaal.net
Developed by Jago Desain