Wax Ka qor Nabada Horumarka iyo Taariikhda Magaalada Baargaal Kuna Guulayso Abaalmarin

Taariikhda Magaalada Baargaal iyo guud ahaan degaanada Calbari malahan qoraal dhawrsoon oo dhamystiran oo laga heli karo internetka oo loo noqdo haddii arin la saari waayo ama diraasad laga diyaarinaayo degaanka .

Taariikhda ay magaalo ama dad leeyihiin waa hanti ma guuraan ah oo la wadaago , waxayna astaan u tahay jiritaanka ummaddaas , waana weel uu ku jiro dhaqankoodu horaana loo yiri " waarimayside war ha kaa haro "
 sidaas awgeed waxaan go'aansanay inaan diyaarino tartan , qofkasta oo qoraa ah , ama waayo aragnimo u leh inuu diyaariyo faalooyin noocaas ah , tartankaas oo aan u qoondeenay abaal marin

 waxaan u xilsaaranay doorashada maqaalada Gudi isugu jira abwaano , aqoonyahano iyo macalimiin maxaa yeelay si tartanka u guulaysto waxaa loo baahanyahay in loo taago dhidibbo iyo tiirar aan la dumin karin, iyo qawaacid la raaco

shuruuda looga baahnyahay maqaalka :

1) in uu qoraagu ku bilaabo hordhac uu kaga hadlaayo magaalada
2) in qoraagu xogta uu bixinaayo ay leedahay raad ama meel loo raaco
3) in uu qoraagu soo raacsiiyo maqaalkiisa sawiro iyo tusaalayaal
4) Tartanku kuma koobna magaalada baargaal , waa laga qori karaa magaalooyinka kale sida xaabo , caluula bareeda iwm
5) Qoraagu sugaan iyo sheekooyin waa isticmaali karaa si uu u cadeeyo ujeedadiisa
6) Qoraagu waa inuu daboolo marxaladihii ay soo martay magaaladu , markay ahayd caasimada majeerteeniya
7) qoraagu waa inuu maqaalkiisa uu yahay mid xooga saaraaya dhinacyada nabada , horumarka iyo wada noolaanshaha beelaha calbari

Maqaalada la doorto waxaa lagu soo badhigi doonaa todobaadwalba bogga hore ee shabakada Baargaal.net iyo shabakadaha kale ee aan iskaashiga leenahay 

 maqaalada waxaa lagu soo diri Doonaa : Email : baargaal@gmail.com Fax: 00252 5 811204

Shabakadaa Baargaal.net
Developed by Jago Desain