C/qaadir Caato : waxaan u arkaa Casayrland mid loo adeegsanaayo Burburinta iyo curyaaminta horumarka baargaal

Mudane c/qaadir Maxamed Jaamac ( C/qaadir Caato ) ayaa aad u dhaliilay maamul ku sheega casayrland kadib markii uu jagada gudoomiye uu horay ugu xilsaarnaa iska casilay jagadaas asagoo sabab uga dhigay inay dhibaatadii dadka degaanka haysatay ay nimankaasi kordhiyeen , ayna wax horumar ah soo wadin

warqad soo gaartay xafiiska Shabakadaa Baargaal.net ayuu ku muujiyay Mudane C/qaadir caato sababaha ka danbeeyey in uu shaqada nimankaas isagatago , ayaa waxaa kamid ahaa sababahaas

1. markaan arkay in loo adeegsanaayo maamulka Burburinta iyo curyaaminta horumarka baargaal
2. markaan arkay waxgaradka qaybihiisa kala duwan in aysan wax taageero ah u hayn maamulkan dib u dhaca u sababaya degaanka oo awalba dhibaataysanaa
3. markaan arkay in ay horboodaayaan maamulka dad aan bulshada dhexdeeda ku lahayn wax miisaan ah iyo waxmagarad aan waxba saadaalin karin
4. markaan arkay deeqihii biniaadanimo ee soo gaaray degmada in la bililiqaystay
5. markaan arkay in taladii kabaxday gacmaha odayaal dhaqameedka oo u wareegtay dad aan ehel u ahayn
6. markaan arkay in maamulku samaynaayo cadaawad beelaha calbari iyo beelaha deriska la ah dhexgasha
7. markaan arkay in maamulku maalgaliyo iska hor'imaad dhexmara bulshada calbari dhexdeeda
8. markaan arkay hogaanka maamulka inuusan diyaar u ahayn talooyinka iyo tusaalaha wax garadka oo uu u dhaqmaayo (nin meel u cadahay meel ka madoow)

Waxaan goostay in aan shaqadooda isaga tago oo aan bulshada si madax banana ula shaqeeyo 







Developed by Jago Desain