Dowladda Federaalka oo Aqoonsatay maamulka Khaatumo

Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa aqoonsatay maamulka Khaatumo State of Somalia oo labo bilood kahor lagaga dhawaaqay degaanka Taleex ee gobolka Sool.Wefdi kasocda maamulka Khaatumo ayaa mudooyinkaan safar ku joogay magaalada Muqdisho uuna hogaaminaayo Madaxweynaha Maamulka,
waxaana ay kulamo kala duwan la qaateen masuuliyinta Dowladda.

Masuuliyinta ay la kulmeen waxaa kamid ah Madaxweynaha Dowladda Federaalka Shariif Sheikh Axmed,Kusimaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Wasiirka Gaashandhigga Xussein Carab Ciise iyo xubno kamid ah Golaha Wasiirada kuwaas oo u bandhigay codsi ku saabsan in la aqoonsado.
Wefdiga Maamulka Khaatumo ayaa xaqiijiyey in Dowladda Federaalka ay u aqoonsadeen maamul goboleed jira oo kamid ah kuwa hadda ka jira dalka.

Inkastoo aanay jirin wax hadal ah oo kasoo baxay Dowladda Federaalka oo cadeynaaya aqoonsiga maamulka Khaatumo ayaa haddana masuuliyin kamid ah ayaa si hoose u xaqiijiyey in la aqoonsaday.
Maamulka Khaatumo State of Somalia ayaa ka kooban saddex gobol oo kala ah Sool,Sanaag iyo Ceyn oo ay isku haystaan maamulada Puntland iyo Somaliland.

Dowladda Puntland iyo Somaliland ayaa si cad u sheegay in aysan aqoonsaneen maamulka Khaatumo kuna tilmaamay mid ay wataan rag Siyaasadda hore ugu fashilmay iyo kuwa khal khal wada.

Shabakada Baargaal.net
Isha wararka horumarka degaanada Calbari
Baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain