Golaha ammaanka oo ka doodey xal u helidda dhibaatooyinka Soomaaliya

Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa kulan ay shalay yeesheen kusoo qaaday xal u helidda dhibaatooyinka ka jira dalka Soomaaliya.

Kulankan oo ahaa mid ay kasoo qayb galeen dhamaan wadamada golahan xubnaha ka ah ayaa waxaa looga hadlay arimo badan oo ay kamid ahayeen xal u helidda Burcad-badeeda iyo xagjirnimada.

Ciidamada Africa ee howlgalka nabad ilaalinta ee AMISOM u jooga magaalada Muqdisho ayaa iyaguna kamid ahaa waxyaabihii kulankaas lagu gorfeeyey.

Waxaana la isla qaatay in ciidamada nabad ilaalinta ee Africanka ahi aysan noqon karin xal joogto ah oo ku aadan sidii Soomaaliya looga dhigi lahaa dal xasiloon.

Golaha amaanka ee QM wuxuu ku taliyey in la kordhiyo taageerada la siiyo ciidamada DKG ah si looga dhigo kuwo awood u leh inay la wareegaan mas’uuliyadda ciidamada AMISOM iyo wadamada Soomaaliya deriska la ah.

Gabagabadii kulankan ayaa laga soo saaray bayaan lagu taageerayo go’aamadii kasoo baxay shirkii arimaha Soomaaliya looga hadlay ee dhowaan magaalada London ka dhacay.

Waxayna arintani kusoo beegmeysaa xilli xoghayaha guud ee QM uu ka digey in xaaladda bini aadminimo ee dalka Soomaaliya ay sii xumaato hadii aan si deg deg ah wax looga qaban.
Developed by Jago Desain