Madaxwayne Shariif oo u anbabaxay Iraaq

Madaxweynaha Dowlada FKMG Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed iyo wafdi uu hor boodayo ayaa maanta u amba baxay magaalada Baqdad ee dalka Iraq.

Madaxweynaha oo safarkiisa ay ku wehliyaan wasiiro ka tirsan xukuumada iyo saraakiisha madaxtooyada qaarkood, ayaa uga qeybgalaya xarunta dalka Iraq shir madaxeedka Jaamacada Carabta oo birito halkaasi ka furmayo .Wasiiru dowlaha madaxtooyada C/raxiin Cabdi Abiikar ayaa warbaahinta uga warbixiyey safarka madaxweynaha.

“Madaxweynaha waxa uu maanta u kicitimay dalka Iraq, safarkiisa waxaa ku wehliya wasiiro iyo saraakiil ka tirsan madaxtooyada, waxa uu halkaasi uga qeybgalayaa shir madaxeedka Jaamacada Carabta, waxa kale oo uu la kulmi doonaa madaxweynaha Ciraq oo ay is weydaarsan doonaa arimo ku saabsan laba dal,” ayuu yiri C/raxiim Cabdi Abiikar

Iraq waxay waaya arag u tahay xaalada ay iminka kusugantahay Soomaaliya, sidaasi daraadeed labada madaxweyne waxay is weydaarsan doonaan aragtiyo ku saabsan sidi Soomaaliya ay uga bixi laheyd xaaladaha amaan darri.

waxaa aad loo adkeeyay amaanka magaalada baqdaad oo shirku ka furmidoono oo madax badan oo carab ahi ku sii ququlayso si ay shirkaa uga qaybgalaan

Sheekh Shariif ayaa dalka dib ugu soo laaban doono 30-ka bisha March ee aan ku guda jirno.

Dhanka kalana waxaa maanta magaalada Muqdisho kusoo laabtay Ra’isulwasaaraha Soomaaliya, C/wali Maxamed Cali kadib sadex cisho oo uu ku maqnaa magaalada Gaalkacyo.

Developed by Jago Desain