WAR DEG DEG : Qarax ka dhacay magaalada Gaalkacyo

Waxaa goordhawayd qarax ka dhacay irida hore ee Qaybta Booliska gobolka Mudug kaas oo sida la sheegay la doonayay in lala eegto Taliyihii hore ee Qaybta Booliska gobolka Mudug iminkana ah Taliyaha hawgalinta dhanka ammaanka Col. Muuse Xasaasi, waxaana la sheegay in Taliyaha iyo ilaalo la socotay aan wax khasaaro ah soo gaarin, hase ahaatee, gaarigii ay saarnaayeen uu gabi ahaanba basbeelay.

Goobta qaraxu ka dhacay ayaa waxay tahay xarun Dawladeed oo ay kusugan yihiin Ciidan ka tirsan Booliska Mudug, waxaa kaloo aad ugu dhow dahay Saldhiga Booliska, mana jirto cid loo qabtay qaraxan habayaraatee.

Magaalada Gaalkaco ayaa dhowr bilood ka hor waxaa ka dhici-jiray dilal qorayshaysan iyo qaraxyo kuwaas oo intooda badan cid loo qaban, hase ahaatee, muddooyinkan ayaan dilalkii qorshaysnaa ay yaraadeen marka laga reebo Wariye dhawaan halkaas lagu dilay.
Developed by Jago Desain