Agaasimaha Wasaaradda Kaluumaysiga C/waaxid Maxamed Xirsi Joocaar :: Eyl , Hurdiye iyo tooxin , dhulkii laga dhisi lahaa guryaha waan soo cabirnay , Hawshaasna waxaan bilaabaynaa bisha june " waraysi "

Agaasimaha Wasaaradda Kaluumaysiga C/waaxid Maxamed Xirsi Joocaar iyo wafdi ka socda Hay’ado dhinaca horumarinta kaluumaysiga Puntland oo maantay safar kaga soo laabtay Magaalada Tooxin , ayaa uga waramay shabakada baargaal.net , ujeedada safarkooda iyo hawlaha ay hada ku gudajiraan

Mr.Joocaar ayaa ugu horayntii ka waramay qaboojiyiyaal loogu talagalay in lagu keydiyo kaluunka oo laga hirgalinaayo eyl , hurdiye , iyo tooxin

Agaasiimaha Wasaarada Kaluumaysiga Puntland ayaa yiri " Eyl , Hurdiye iyo tooxin , Sadexdiiba waa soo cabirnay , dhulkii laga dhisi lahaa guryaha waan soo cabirnay , Hawshaasna waxaan bilaabaynaa bisha june , contract - geeduna wuxuu bilaabanaayaa bish May waxaana lagala xiriiri karaa website - yada FOA

waxaan La kordhinaayaa Barafdhaliyaasha Baargaal iyo Garacad , oo awal baraf dhaliyaashoodu yaraayeen waxaana lagu kordhinaayaa baraf dhaliye 2.5 ton , waxaa loo keenaayaa machine -dii maadaama ay dhismayaashu horay u dhisnaayeen

wuxuu kale oo ku daray Mr. joocaar in sadexda meelood ay min 15 qof tababar u samayn doonaan la xiriira (private public partnership ) iyo wuxuu yahay , sababta loo yeelaayona ay tahay in la dareensiiyo dadka gacanta ku qabanaaya xarumaahaas in ay u arag waxay ayagu say doonaan ka yeelaayaan

dhinaca kaluunka wuxuu ku daray sanadka soo socda inay jecelyihiin in dawladu heshiis la soo gasho sidii kaluunka loogu suuqgaynlahaa suuqyada itoobiya ,

Su'aal ku saabsanayd dhibaatooyinka haysta kaluumaysada degaanka
ayuu mudane C/waaxid Maxamed Xirsi Joocaar uga jawaabay sidatay

kaluumaysatada degaanka waxaysan ogayn inay ayagu bada leeyihiin , in ay ayadu toodii tahay waxaan taa u leeyahay , aargoostadii oo riman oo la xoqaayo ayaan u tagnay , tii yaryareed oo dhali lahayd oo ceesaanta ahayd oo la laynaayo ayaan u tagnay , xiligii oo aan ahayn xiligii bada lagali jiray oo badii layska galaayo ayaan u tagnay ,

kaluunka waxaan samaynay warshado , warshadahaa waxaa loo dhisay waa kaluumaysatada , waxaa dadka rabnaa inaan ku wacyigalino sidii looga faa'iidaysanlahaa warshadahaas ,

waraysigaas ayaa ahaa waraysi xiiso badan waxaan ugu danbayntii u mahad calinaynaa Mudane C/waaxid Maxamed Xirsi Joocaar Agaasimaha Wasaaradda Kaluumaysiga dawlada puntland , wakhtigii qaaliga ahaa ee uu nasiiyay

Shabakada Baargaal.net
Baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain