Posts

Dawlada KMG oo guddi u saartay dadkii ku waxyeeloobay qaraxii shalay ka dhacay muqdisho

Dowladda KMG ah ayaa guddi gaar ah u saartay caawinta dadkii ku waxyeeloobey qaraxii xoogganaa ee shalay ka dhacay gudaha Tiyaatarka magaalada Muqdisho. Guddigan oo wasiiro u badan ayaa lagu dhawaaqay kadib markii ay shalay golaha wasiiradu shir aan caadi ahayn i sugu yimadeen waxyar kadib markii uu qaraxaasi dhacay. Howsha guddigan ayaa noqonaysa ka warqabka xaaladda caafimaad ee dadka dhaawaca ah si loogu fududeeyo hadii loo baahdo inay helaan daweyn caafimaad oo dalka dibadiisa ah. Xubnaha guddigan ayaa durba bilaabay booqashada xarumaha caafimaadka ee la geeyey dadkii ay qaraxii shalay waxyeeladu kasoo gaartey. Xiligii uu dhacay qaraxii ay dadka badani ku dhintee ee ka dahcay xaruntii hore ee Hargaha iyo Saamaha 4/10/2011 ayaa sidan oo kale DKG ahi guddi ugu saartay. Waxaana xiligaas dalka dibadiisa loo qaaday dad badan oo dhaawacoodu uu ahaa mid halis ah kadib markii ay suurtagal noqon weydey in dalka gudihiisa wax looqa qabto. Tirada dadkii ku dhaawacmay qaraxii shalay ka dhacay golaha murtida iyo madadaalada ee magaalada Muqdisho ayaa ah in ka badan 25-qof waxaase ku jira dhowr qof oo ay xaaladoodu aad u liidato. Shabakada Baargaal.net baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain