FAALO :1 sano kadib Ma jirto wax la yiraahdo Casayr State oo Baargaal iyo Caluula Ka Shaqeeya (Q 2aad)

Qormada aan halkan ku soo bandhigaayo waxay dabajoogtaa maqaal aan Todobaadkii Hore soo bandhigay oo cinwaankiisu ahaa FAALO :1 sano kadib Ma jirto wax la yiraahdo Casayr State oo Baargaal iyo Caluula Ka Shaqeeya Maqaalkaasi wuxuu qayb ka yahay birmad aan Damacsanahay in lagu cayni qabto Bulshada ay niman dibada ku nool oo degaanka u dhashay ay ka dhigteen hanti ay si gaar ah u leeyihiin oo ay mar ka ganacsadaan, marar kalena ugu adeegaan ujeedooyin qarsoon oo ay doonaayaan in bulshada lagu marin habaabiyo. 

Qaybta Labaad ee Faaladan waxaa uga hadlaayaa dhibaatooyinka caamka ah ee laga dhaxlay ururka casayrland

Waxyaabaha ugu waaweyn uguna muhiimsan ee saameynta iyo raadka ku yeeshay bulshada degaanka Calbari oo laga dhaxlay nimaankaas qurbaha nooga soo duulay waxaa ugu muhiimsanaa , oo laga xasuustaa markuu Faarax dooxajoog hay'adhii ka soo cayriyay caluula & Baargaal

Kadibna ay shuruud iyo xujo ku xireen hay'adihii damacsanaa inay dadka iyo dalka wax u qabtaan , ayagoo isbaaro u dhigtay wax kasta oo soo gala degaanadaas , ilaa ay xaalada degaanku gaartay heer hay'adihii samafalka ay diidaan inay gargaar ka qeybiyaan degmooyinkaas qowleysatada u xiran.

Mudadaas oo mashaariic Badan oo aan la soo koobi karin ay dib u dhaceen ama meelo kale loo weeciyay , yaa go'aankaas uu dooxajoog kaligiis qaatay wax ka dheefay ?

 

Akhristow ha degdegin, hana xanaaqin, ha fududaan, caro iyo ciil ha qaadin! Kolley nimankaas maamulka ku dhawaqay kuma koobna dhibaatooyinka ay gaysteen intaas , hadii aan sheekada sii wadno waxyaabo badan oo dadka ka caraysiiya ayaa la arki doonaa haduu eebe idmo

waxa tagay hal sano oo durbaanku danan-naayey oo la lahaa ha la kaco , horumar laga sheekay-naayey, sidan baan wax u wadnaa , laakiin anigoo iska ilaalinaaya inuu hadalku igu dheeraado , waxaan qaybta labaad ku soo darbaalaayaa sheekadan :

Nin baa maalin dhakhtar u tegey isagoo u sheegay dhakhtarka inuu xanuunsanayo. Dhakhtarkii ayaa ninkii baritaan ku sameeyey su'aalana weydiiyey si uu u ogaado inuu ninkan cudurka haya iyo noociisa uu bal helo. Dhakhtarkii wuxuu dareemay in ninkan uu hayo wax la yiraahdo cuqdad nafsi ee uusan cudur kale hayn.

Wuxuuna dhakhtarkii ninkii ku yiri "Waxaan kugula talinayaa inaad iska dhaadhicisid inaadan xanuunsanayn markaas ayaad bogsan doontaa." Ninkii ayaa yiri "Waahagaag dhakhtaroow", oo inuu tago isku dayey, markaas baa dhakhtarii yiri "War
ninyahow lacagtii baadhitaanka isii". Ninkii baa yiri "Dhakhtaroow, adiguna iska dhaadhici inaan lacagtii ku siiyey.

Fiiro Gaar Ah :
 Shabakada Baargaal.net waxay soo dhawaynaysaa ra'yiga iyo aragtida akhristayaasheeda ayadoo ka codsanaysa inay ka fogaadaan cayda , aflagaadada , weerarka shakhsiga ah iwm

 Shabakada Baargaal.net
Baargaal@gmail.comd
Developed by Jago Desain