Posts

Shirweynihii Ansixinta Dastuurka Puntland Oo Maalintii 3-aad Galay

Magaala madaxda Puntland ee Garoowe waxaa maalintii 3-aad ka socda shirweynaha ansixinta Dastuurka, kaas oo shalay munaasabad balaaran oo lagu furayey ay ka dhacday isla magaalada Garoowe.

Shirkan oo soo gaba gaboobaya 18-ka bisha, ayaa waxaa ka qayb gelaya ergooyinkii loo soo xulay ansixinta Dastuurka Puntland, kuwaas oo ay tiradoodu tahay 480-qof iyo guddiga KMG ah ee doorashooyinka Puntland.

Dhowrka beri ee hore, waxay ergooyinku ka doodayaan qodobada Dastuurka, iyadoo guddiga doorashooyinkuna ay si faah faahsan hadba cutub ergooyinka hortooda uga akhrin doonaan.

Shirka ayaa wixii ka danbeeyey shalay gelinkii hore, xiligaas oo ahaa markii uu furmay, wuxuu ahaa mid ay albaabadu u xiran yihiin, islamarkaana ay Saxaafaddu banaanka ka joogtey.

Dhinaca kale waxaa si aad ah loo adkeeyey ammaanka goobta uu shirku ka socdo, taasoo ah hoolka shirarka ee xarunta cusub ee Baarlamaanka Puntland. Dhamaan ka qayb gelayaasha shirka ayaa loo sameeyey kaarar aqoonsi oo Electaronic ah kuwaas oo ay ku kaydsan tahay xogta gaarka ah ee lagu garan karo qof walba sida magaciisa, gobolka uu ka socdo iwm.

Shirkan oo noqonaya kii ugu horeeyey ee Dastuur ay Puntland leedahay lagu ansixiyo ayaa qabsoomiddiisa waxaa muddo ku howlanaa guddiga KMG ah ee loo saaray qaban qaabada doorashooyinka Puntland. 


Waxaana si aad ah looga war dhowrayaa qaabka ay u dhacdo aftida Dastuurku, iyadoo loo badinayo in ergooyinku ay si buuxda ugu codeynayaan in Dastuurkan cusubi uu noqdo sharciga lagu dhaqayo Puntland, kaasoo hadii uu hirgalo wax badan ka bedeli doona hanaanka maamul ee ay xiligan Puntland ku dhisan tahay.




Developed by Jago Desain