Wafdigii Mashruuca Horumarinta TIS ee Hy'ada DAi oo wadatashigoodii iyo kormeerkoodii soo gabagabeeyay Maanta


Waxaa maantay soo gabagabeeyay booqashadoodii degmada baargaal ay beryahan ku joogeen wafdi ka socday hayada DIA oo fulinaysa Mashruuca TIS ee Horumarinta USAID ee Degmada Baargaal loogu balan qaaday shirkii djabouti Wafdigan oo uu hogaaminaayay Gudoomiyaha Degmada Baargaal Axmed Maxamuud yuusuf ( Axmed Guray )ayaa si qoto- dheer uga xog-Waramay Shabakada Baargaal.net U Jeedada Safarkooda , Wax yaabaha u qabsoomay, wax yaabaha ay ku talo jiraan in ay qabtaan, Baahiyaha Ka jira Degaanka iyo Aragtidiisa ku waajahan dhibaatada uu ururka casayrland ku hayo bulshada degaanka ,

 waraysigaas oo dhinacyo badan taabanaaya ayaa wuxuu gudoomiyuhu hadalkiisii ku bilaabay Safarka baargaal waxaa sababy Mashruuca TIS ee Hayada DAI fulinaysay , mashruucaas oo sababo magaalada ka jiray dib u dhacay sida dilkii marxuum bile alaha u naxariistee loogu gaysty degmada baargaal ,

 Dabagal iyo dadaal dheer kadib waa noo fududaatay , waxaana nimi baargaal 1/4/2012 . maantay oo ay taariikhdu tahay 3/4/2012 waxaa noo gabagaboobay kormeerkii oo ku qancay si fiican sida:

  1. Guriga dawlada hoose
  2. Aqalka hooyooyinka  
  3. Suuq Yare Baargaal
  4. Dhul wayn oo laga dhisaayo seceondry school 120 m x 120 m Dayactir cusbitaalkii hore Dayactir gurigii iskaashatada kaluumaysiga & xafiis labo qol ah


intaas oo baargaal u qoondaysnayd baan kormeerkoodii soo gabagabeenay , hadana waxaan bari wixii ka danbeeya ka hawlgali doona afar tuulo oo laga dhisaayo mid walba Laba qol MCH ah , iyo dayactirka wadadii hoosingaabo oo 20 km qiyaastii ah insha alaah

Gudoomiyaha Degmada baargaal axmed maxamuud Yuusuf oo hadalkiisii sii wata ayaa yiri " waxaan ku rajawaynahay in mashruucan noqon doono mid dhaxal gal ah "

 intaas markaan ka gudbo waxaa in yar ka taabanaayaa dhibaatooyinka degaanka haysta , sida abaaraha biyo la'aanta baahida dad iyo xoolo halkaas oo xoolihii dhamaad yihiin , ceelashii iyo barkadihiina biyo beeleen in yar maahane ,

waaxaana intaas dadka degaanka u dheer , shaqo la'aan iyo dhaqaalihii oo burburay waayo dadku waxay ku xiran yihiin Kaluumaysi , xijji , xoolaha nool iwm

Dhibaatadaas waxaa ka qayb qaatay Maamul la'aanta meeshaas ka jirta iyo ururka casayrland sheegtay oo dadkii ka faquuqeen maamulkii wadanka ka jiray waxay u tareena ma jirto dhib ay ku kordhiyaan mooyee intaas waxaan ku soo koobnaa waraysi aan la yeelanay gudoomiyaha degmada baargaal mudane axmed guray oo nooga waramaayay , mashaariicda ay kormeerka u ahaayeen


Shabakada Baargaal.net
waxii fariin , talo iyo jawaab ah waxaa noogu soo hagaajin kartaa
baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain