Posts

Waraaqaha Akhristayaasha :: WAR BEEN AH OO UU QORAY BOGA INTERNETKA EE RAASCASAYRMEDIA

Bogan ayaa qoray 09/04/2012 war uu ku sheegayo in waxa uu ugu yeeray wafdi ka socday maamulka raasi casayr oo uu hogaminayo xareed ciise cumar uu lakulmay saraakill ka tirsan ciidamada naato ayna ku kulmeen markab dushiis .
Warkaas oo ah been aan sal iyo raad lahayn Hadaba waxuu warkani i xasuusiyey

sheeko aan maqalay hada ka hor oo ahayd Waxaa jiray nin beenta aad u sheega markii uu sheego waxaa u qill samayn jiray nin kale oo saaxiib kiis ah
maalin maalmaha kamid ah ayuu ninkii wuxuu yiri waxaan maqlayey waxaro cirka ka ciyaya markaas ayaa ninkii lagu yiri waxaad gashay denbi oo been cad ayaad sheegtay side waxaro cirka uga ciyaan saaxiibkiis ayaa yimid oo yiri waa runtiis waxar ayaa waxaa qaatay baqalye (waa haad waxaraha cuna) markuu la duulay ayey waxartii sii dhawaaqday

Intaa kadib waxaa is raacay beenaalihii iyo saaxiibkiis beenaalihii ayaa saaxibkiis ku yiri war ninyahaw beenta cirka hala aadin hadii aadan kasoo rogi Karin mardanbe anigu kuu qiil samayn maayo
Waxaan sheekadaan uga dan leeyahay boganu beenta weligiisba wuu qori jiray Laakiin waxay ahayd been dibadaha sida nayroobi London iyo meelo kale
hadiise uu Baargaal dhexdeeda ka qoray wax aan jirin yaa u qiil samayn doona ?

 HalkaanHoose Ka akhriso warkii ay qoreen /
http://www.raascasayrmedia.com/?p=2542 

Akhriste ku soo koobay magaciisa C/laahi



SHABAKADA BAARGAAL.NET

 Waa mahadsanyahay Akhristuhu , shabakada baargaal waxay ku daraysaa in sawirka ay soo bandhigeen ay shabakada baargaal soo qaaday sawirkaas ayna leedahay xuquudiisa sawirkan  ayaa la socday war lagu qoray shabakada Baargaal.net Hal sano ka hor Halkan Ka akhri Warkii Hore



http://www.baargaal.net/2010/05/wafdi-ka-socday-odayaasha-degmada.html


Developed by Jago Desain