Baargaal :Baabuurkii Laga Soo Dhacay wafdigii uu horkacaayay Gudoomiyaha Degmada Baargaal Oo Dib loogu soo ceshay

waxaa dib loogu soo celiyay oo soo gaaray magaalada baargaal saakay gaari uu watay wafdi uu horkacaayay Gudoomiyaha degmada baargaal Axmed Maxamuud Yuusuf ( Axmed Guray ) iyo Wafdi farsamayaqaano ka socday hay'ado mashaariic horumarin ka waday degaanka ,

Baabuurka oo lagu dhacay meel duleedka magaalada ah mar uu ku soo wajahnaa magaalada baargaal shalay galab , Odayaasha degaanka iyo nimankii dhacay baabuurka oo wada hala dhexmaray ayaa lagu go'aamiyay in ldib loo soo celiyo gaariga ,

Ilaa iyo hada la garan maayo sababta ka danbaysay Dhaca Gaariga , waxaase degaanka maalmihii la soo dhaafay ka dhacay falal kala gadisan oo lagu dhacay baabuur degaanka u socotay iyo kuwo ka Dhex shaqaynaysay

Shabakada Baargaal.net
baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain