Posts

Dowladda oo cambaarayneysay dilkii wariyaha Shabelle ee Muqdisho

Dowladda Soomaaliya ayaa aad u cambaareyneysa dilkii Axmed Caddow
Canshuur, oo ahaa wariye ka tirsan iddaacada Shabelle
kaas oo maanta ay rag aan la garaneyn ku dileen agagaarka suuq Boocle
ee degmada Dharkeynley ee magaalada Muqdisho.

Wasiirka Warfaafinta, Boostada iyo Isgaarsiinta, Mudane Cabdulqaadir
Xuseen Maxamed Jaahweyn ayaa maanta la hadlay Wakaalada Wararka
Qaranka ee SONNA, "Waxaan aad uga xun nahay dilkii wariye Axmed Caddow
Canshuur, oo ahaa mid qof aad looga yaqaan saxaafada Muqdisho sumcad
weyna ku lahaa."

Wasiirka wuxuu ku daray, "Dowladda waxay aad u cambaareyneysaa dilkaa
wuxuushnimada ah ee lagu waayay naf wariye qaali ah," taas oo ka
dhigeysa wariyihii lixaad ee sanadkaan lagu dilo dalka, oo ay
idaacadda Shabelle ku waysay wariyihii labaad.

Axmed waa qofkii ugu danbeeyay oo falal danbiyeedka noocaan ah lagu
dilay, iyadoo ay ku jiraan maamuleyaal, madax idaacadeed iyo xubne
kale oo bulshada rayidka ka tirsan. Weerarka lagu hayo saxaafada iyo
dadka waxtarka u leh bulshada waa mid u dhigma kan lagu hayo dowladda
sababtoo ah waxay dadkaas yihiin qeyb laf-dhabar u ah horumarka
nabadda iyo guusha ay magaaladda Muqdisho ku tilaabsatay bilihii lasoo
dhaafay.
Dowladda waxay tacsi u direysaa qoskii uu ka tagay marxuumka. Dowladda
waxaa ka go'an in ay baarto oo xaqiijiso in danbiilayaasha la hor
keeno maxkamad sharci.

Shabakada Baargaal.net
baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain