Posts

Puntland iyo Galmudug oo lagu qanciyey in ay shirka Istanbul kasoo qayb galaan

Maamullada Puntland iyo Galmudug ayaa ka laabtay go'aankii ay horay
sida wadajirka ah ugu gaareen ee ahaa inaysan ka qayb geli doonin
shirka Istanbul.

Madaxweyneyaasha Puntland iyo Galmudug oo labadooduba xiligan ku sugan
magaalada Addis-ababa ayaa maanta shaaciyey in ay shirka Istanbul ka
qayb gelayaan.

Waxayna sababta ay go'aankoodii hore uga laabteen ku sheegeen kadib
markii laga qanciyey arimo badan oo ay horay cabasho uga keeneen
kuwaas oo xiligan wax laga bedeley.

Madaxweynaha Puntland oo la hadlay BBC-da ayaa sheegay in diyaarad
gaar ah loosoo diri doono Garoowe iyo Gaalkacayo si ay u qaaddo xubno
ka tirsan bulshada rayidka ah iyo Isimadii horay Muqdisho uga soo
laabtay.

Madaxweynuhu waxa kale oo uu sheegay in isaga iyo madaxweynaha
Galmudug ay u duulayaan dalka Jabuuti halkaas oo ay iska raaci doonaan
ergooyinka kale ee labadaas magaalo la keeni doono.

Talaabadan ay sida wada jirka ah Puntland iyo Galmudug u qaadeen ayaa
imaanaysa kadib markii Ra'iisul wasaaraha DKG ahi uu maanta sheegay in
Puntland iyo Galmudug laga qancin doono waxa ay saluugeen.

Waxayna arintani kusoo beegmeysaa xilli berri magaalada Istanbul uu ka
furmi doono shir caalami ah oo ay kasoo qayb gelayaan madax caalami ah
iyo dhinacyada siyaasadda ee Soomaalida.

Shabakada Baargaal.net
Isha wararka horumarka degaanada Calbari
Developed by Jago Desain