Posts

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo u socdaalay dalka Ethiopia

(Baargaal.net )Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa intii uusan ka
guulin garoonka diyaaradaha Muqdisho Saxaafadda kula hadlay garoonka
wuxuuna sheegay waxaa uuna kaga warbixiyay halka uu safarkiisa uu
yahay iyo u jeeda uu u baxayo.

C/wali Gaas ayaa Warbaahinta u sheegay inay u duulayaan Dalka Itoobiya
waxaana uu sheegay inay ugu qayb galayaan Shirka Saxiixayaasha
habraaca Marxalada kala guurka ee Road mapka.

Safarka Ra'iisulwasaraha uu ku aaday Ethiopia waxaa ku wehliyay
Guddoomiyaha xilkiisa lagu muransan yahay Shariif Xasan Sheekh Aadan
iyo Wasiirka Dastuurka Xukuumada Soomaaliya C/raxmaan Xoosh Jabriil
iyo xubno kale.
Wafdiga ayaa saacadaha soo aadan lagu wadaa inay gaaraan Magaalada
Addis Ababa ee xarunta Dalka Ethiopia.

Dalka Ethiopia ayaa waxaa ka dhacaya Shir ay ka qayb galayaan Madaxda
Saxiixayaasha Road mapka.

Shabakada Baargaal.net
baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain