Posts

Su’aal Ka taagan Ansixinta Dastuurka Qabyada

Iyada oo maalmihii u danbeeyey shir uga socdey magaalada Muqdisho
odoyaasha dhaqanka Soomaaliyeed, Shirkaas oo ku saabsan qaabkii loo
meelmarin lahaa dastuurka qabyada ah ee dalka Soomaaliya.

Warar warbaahinta soo gaaraaya ayaa tibaaxaya in qaabka la doonaayey
in loo ansixiyo dasuurka ay wax iska bedeli karaan.

Qorshaha ayaa ahaa in odoyaasha dhaqanka ee Soomaaliyeed ay soo xulaan
ergo ka badan 800 oo qof kadibna ergadaasi ay meel mariyaan ama
diidaan dastuurka.

Wararka ayaa sheegaya in ay tahay mid aad u adag in ergo intaas legeg
inta la soo xulo ay muddo kooban ku meel mariyaan dastuurka marka la
eego khibradda loo leeyahay shirarka Soomaaliyeed. Waxaana hadda
miiska saaran qorshe ah in Odoyaasha dhaqanku ay u gudbaan talaabada
labaad ee ah soo xulidda Xildhibaanada Baarlamaanka iyo kala dirida
Baarlamaanka hadda.

Kadib marka la soo xulo Xildhibaanada cusub ayaa laga doonayaa in ay
ansixiyaan Dastuurka si kumeel gaar ah, taas oo aan la ogeyn waxa ay
ka bedeli karto qaabkii kumeel gaar loga bixi lahaa.

Dhanka kale qaar kamid ah odoyaasha dhaqanka Soomaaliyeed ee ku sugan
magaalada Muqdisho ayaa loo qaadayaa dalka Turkiga halkaas oo shir
ku saabsan arrimaha Soomaaliya uu ka furmayo, shirkaas ayaa lagu
wadaa in uu furmo 24 Bishan May kaas oo socon doona muddo saddex
maalmood ah.

Mudada ka dhiman xiliga kala guurka ee la doonayo in qorshaha
Road-map-ku ku soo dhamaado ayaa waxaa ka dhiman laba bilood oo
keliya, waxaana dadka qaarkiis is weydiinayaa haddii sidii la rabey u
dhiciwaayaan halka Soomaaliya jaaha saari doonto.

Shabakada Baargaal.net
baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain