Posts

Wasaarada Beeraha Puntland oo ka hadashay qorshe cusub oo lagu horumarinayo beeraha Puntland

Garoowe (Baargaal Medai):- Wasaarada Beeraha dowlada Puntland oo ka
mid ah wasaaradaha ugu dhaq dhaqaaqa badan dhanka horumarka ayaa
shaacisay inay heyso qorshe cusub oo lagu horumarinayo beeraha
Puntland iyo mid lagu keydinayo biyaha xilli roobaadka ee deegaannada
Puntland.

Qalabkaani cusub ee beeraha loo adeegsanayo ayuu sheegay wasiirka
beeraha Eng, Maxamuud Xaaji Saalax in xili dhow la geyn doono beeraha
Puntland si loogu manaafacaadsado.

Eng, Maxamuud Xaaji Saalax waxaa uu tilmaamay in qalabka lagu
keydinayo biyaha roobka uu yahay mid loogu talo galay in la isticmaalo
xiliyada roob la'aanta ujeedka arintaasi loogu dadaalayna ay sidaa
tahay.

Wasiirka Beeraha Eng, Maxamuud Xaaji Saalax wuxuu xusay inuu booqan
doono deegaanka Eyl ee gobolka Nugaal islamarkaana uu soo kormeeri
doono beero farabadan oo deegaankasi ku yaala kuwaas oo si guud ay u
wada saameeyeen roobabkii dhawaan ka da'ay deegaankaas

Wasiirka ayaa balan qaaday inay wax badan ka qaban doonaan mustaqbalka
dhaw inta lagu jiro xilli roobaadkan oo hada bilow ah islamarkaana ay
hirgalin doonto qorshayaal lagu kaydinayo biyaha

Shabakada Baargaal.net
baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain