Siyaasadu waa nidaamka lagu waafajiyo wax yaabaha iska soo horjeeda ,
sida in la dhex dhigo dadka is khilaafsan hishiis, nabad iyo wadda
noolaansho
noloshu maaha inaad wax cunto waxna cabto oo aad seexato, ee waa inaad
wax ku soo kordhiso, horumarisana Bulshada aad ku dhex noolshahay
saacad kaliya oo aad fikirto ama aad wax qabato, ayaa sanad aanan
fikirin oo waxna qaban Kaaga qiima badan. ))
Shabakada Baargaal.net waxay akhristayaasheeda fursad u siinaysaa ama
u qaban qaabinaysaa xagaa bax Siyaasadeed oo ay ka faaidaystaan,
Waxaan u soo Bandhigi Doonaa haduu ilaah yiraahdo Muuqaalo Dhulkii
ah si ay ugu indho qabowsadaan Bilicda , quruxda Deegaanka
Waxaan kaloo barnaamajkan ku soo Bandhigi doonaa , sheekooyin ,
Taariikh iyo dhaqan laga dheehan karo waxay ay bulshada degaanku
aaminsantahay, waxa qiima la leh iyo waliba fikradda ay ka haysto
nolosha.
Waxaan Aragtida iyo fikirka akhristayaasheena ku qaabilaynaa kal
furnaan iyo kalgacayl.. waxaan rajaynaynaa markuu barnaamajkan
dhamaado inay kala tagaan yididiilo kob iyo kalax kabuuxisay
Waxa layaabka leh ee magaalada baargaal ka jira Sheeko , dad badani
codsadeen inaan wax ka qorno , dadka qaarkiisna ka biyo diideen oo ah
waraaba hirgis , xerooyinka u dhaca oo ariga kala baxa , laakiin
xajmiga iyo wararka kala gadisan ee kaa soo gaaraaya ayaa mararka
qaar ku xakuma
Shabakada Baargaal.net
baargaal@gmail.com