Posts

Baarlamaanka Puntland oo Dood adag ka yeeshay Xeerka Xisbiyadda Siyaasadeed

Mudaneyaasha Baarlamaanka Puntland oo Kalfadhiga 28-aad uga socdo
xaruntooda magaalada Garoowe ayaa maanta markii u horeysay dood ka
yeeshay Xeerka Xisbiyadda Siyaasadeed oo ay soo gudbiyeen Guddiga
doorashada Puntland.

Waxaa shir gudoominayay Kalfadhiga Gudoomiye kuxigeenka Baarlamaanka
iyadoo ay kasoo qaybgaleen inka badan 40-mudane,waxaana sidoo kale hor
yimid Baarlamaanka Gudoomiyaha Guddiga doorashada Dr.Maxamed Xassan
Barre (Shimbir-laaye) iyo xubnaha kale ee guddiga.

Xeerka laga doodayay ayaa lasoo gaarsiiyey Mudaneyaasha maalintii
khamiista ee lasoo dhaafay iyadoo la siiyey fursad ay kusoo akhristaan
kadibna wax la iska waydiiyo.

Xeerkaan ayaa wuxuu ahaa mid hore Xukuumadda Puntland loogu ceshay
kadibna ay Dowladda hadda soo celisay iyadoo ay la socon codka loo
yaqaano Vitowga (Veto) ay ku diiday,waxaana Guddiga doorashada wax
laga waydiiyey sida ay ku dhacday taas iyadoo ay dhalisay muran iyo
buuq badan.

Dood iyo muran badan kadib waxaa Golaha Wakiilada yimid Gudoomiyaha
Baarlamaanka C/rashiid Maxamed Xirsi oo aan markii hore soo xaadirin
saaka,waxaana markii dambe la isku afgartay in laga doodo qodobada
kale ee uu xambaarsan yahay Xeerka taas oo ay mudaneyaasha si kale uga
doodeen kadibna uu si rasmi ah u saxiixay Gudoomiyaha Baarlamaanka.

Qodobada ugu xasaasiga badnaa ay ka doodeen mudaneyaasha oo ku jira
xeerkaan isla markaana keenay buuqa badan ayaa ahaa in 5-kamid ah
sideeda gobol ee Puntland laga furo Xisbiyadda Siyaasadeed,waxaana
Xildhibaanada badankood muran ka keeneen qodobkaas iyagoo sheegay in
loo baahan yahay dhamaan gobolada laga wada furo.

In 5-gobol keliya laga furo Xisbiyo Siyaasadeed ayaa micnaheedu ka
dhigan tahay in gobolada Karkaar,Haylaan iyo Cayn aan wax xisbi ah
laga furan karin,taasna ay kasoo horjeesteen mudaneyaal badan oo soo
jeediyey in gobolada wada siman yihiin.

Dooda ku saabsan Xeerkaan ayaa maanta natiijo la'aan kusoo
idlaaday,waxaana Gudoonka Baarlamaanka oo soo xiray Kalfadhiga sheegay
in maalinta berri uu halkiisa kasii socon doono
Developed by Jago Desain