Bosaso: Nin isku dal-dalay tegitaanka SARACEN ee degmada Baargaal

Wararka naga soo gaaraaya Xaga iyo Magaalada boosaaso ayaa sheegaaya
in Nin uu isku dal-dalay gudaha magaalada Boosaaso.

Ninkan is dal-dalay ayaa la sheegaayaa inuu deganaa xaafadda Biyo
kulule ee bariga magaalada Boosaaso, waxaana loo aaneeyay isdilkiisa
inay ugu wacantahay tegitaanka ciidamada SARACEN ee gaaray degmada
Baargaal oo uu si weyn uga carooday.

Ehelada marxuumka isdal-dalay ayaa Laga Sheegay in ninka is daldalay
inuu ka carooday ciidamada SARACEN ee dhowaan gaaray degmada
Baargaal,


wararka qaar ayaa ku tilmaamay in isdilkiisa uu xiriir la leeyahay
jacayl , laakiin ma jiraan wax rasmi ah oo kasoo baxay arintaas ilaa
hada .

Wixii Tafaasiil ah oo Ku soo Kordha Arintaas Kalasoco
Shabakada Baargaal.net
baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain