Goroyadu ilmaheeda : ISBARBARDHIGYADA (The Comparisons)

Heestan waxa tiriyay (Eebbeh ha u naxariistee)- Abwaan: Xasan Sheekh Muumin. Waxaana codkeeda cuddoon ku qaada hoobaladda caanka ah ee Hibo Maxamed(Hiba Nuura). Waxaan u xushay oo ay ka mid ahaatay suugaanta caruurta, ee baraysa Falsafadda Wax-isbarbardhigga.

Goroyadu ilmaheeda The ostrich – It’s eggs
Aroori bay dhigtaayoo It lays in a desert place
Aboodigu ku laayaa! Then awful bird destroys!
Shinbirtuna aroosay Unlike the little bird
Ila-xidhoo amaana bay It prepares a nest
Ubadkeeda seexisaa! And lays it’s eggs safe!
Kala awdan labduye The two differ in origin
Edebtiyo aqoontiyo In ways and in knowledge
Asluub bay isku dhaafeen!By manner they excelled of each!
Caqligii wanaagsani See the smarter one
Itaal inuu ka roon yahay See if it is bigger in size
Bal eegoo u fiirsada! See and compare them! 

Ilka weynow maroodigu The elephant with the big ivory
Aradaduu mirtaabaa Grazes over the land
Cadowguna ka ugaadhaa!Thus it’s enemy hunts as such!
Aboorkuna dundumadaanUnlike the white-ant,The mud-hut
Aragnay buu dhistaayoo We had seen-is what it builds
Naftiisa ku ilaaliyaa! To safeguard it’s life!
Kala awdan labaduye The two differ in origin
Edebtiyo aqoontiyo In ways and in knowledge
Asluub bay isku dhaafeen!By manner they excelled of each!
Caqligii wanaagsani See the smarter one 
Itaal inuu ka roon yahay See if it is bigger in size
Bal eegoo u fiirsada! See and compare them!

Ma ogtihiin sakaaradu Do you know about dick-dickens 
Awaarahay qodaayoo It digs the soil
Saaladeeda ku aastaa! To bury it’s feces!
Libaaxuna ma asturee Unlike the lion-as it does’t 
Hilimadu ka arooraan Places it where it passed
Siigadiisa ku aragnaa! We see it’s feces there!
Kala awdan labaduye The two differ in origin
Edebtiyo aqoontiyo In ways and in knowledge 
Asluub bay isku dhaafeen!By manner they excelled of each!
Caqligii wanaagsani See the smarter one
Itaal inuu ka roon yahay See if it is bigger in size
Bal eegoo u fiirsada! See and compare them!
Developed by Jago Desain