Gudoomiyaha gobolka Bari oo sheegay inay maamulo u sameeyeen degmooyinka Bargaal iyo Balidhidin

Wefdi uu horkacayo gudoomiyaha gobolka Bari ayaa soo afmeeray socdaal
ay todobaadyadii u danbeeyey ku marayeen degmooyinka ku yaal xeebaha
fog fog ee gobolka Bari.Cabdisamed Maxamed Gallan ayaa markii ay isaga
iyo wefdigiisu dib Boosaaso ugu soo laabteen Saxaafadda la hadlay,
wuxuuna ka warbixiyey ujeedada socdaalkooda iyo waxyaabaha kasoo
baxay.

Gudoomiyaha Gobolka Bari ayaa sheegay inay u sameeyeen degmooyinka
Baargaal iyo Ballidhidin ee gobolka Bari maamullo si KMG ah uga
shaqayn doono adeegyada guud ee degmooyinkaasi, kadib markii in muddo
ah aanay ka jirin deeganadaasi maamullo si fiican u shaqeeya.

Gudoomiyaha gobolka Bari Cabdi Samad Maxamed Gallan ayaa sheegay
qorshaha xiga ee dhismaha maamulada cusub inay tahay hirgalinta
golayaasha deegaanka oo soo dooran doona maamulka rasmiga ah ee
deegaanadaasi ka howlgalli doona.

"Golaha deegaanka howshiisa ayaan hadda wadnaa, waxa aaanu doonaynaa
in dhamaan beelaha oo deegaanada oo dhami inay ka arinsadaaan samaynta
golayaasha deegaanka"ayuu yiri Gudoomiye Gallan.

Dhinaca kalena waxaa uu sheegay in markii ugu horaysay la howlgaliyay
saldhigyada ciidan ee degmooyinka Baargaal iyo Ballidhidin oo aan in
muddo wax shaqo ah aysan kasoconin.

Gudoomiyaha gobolka Bari ayaa hadalkan sheegay kadib markii uu kasoo
laabtay safar qaatay muddo ka badan hal todobaad oo uu ku marayay
deegaano xeebeedyada ku yaala gobolka Bari.

Shabakada Baargaal.net
Isha wararka horumarka degaanada Calbari
Developed by Jago Desain