Hayada Wadooyinka Puntland oo shaacisay mashruuc wadooyin loogu sameynayo Baargaal ,Xaafuun ,Eyl iyo Jariiban.

Hayada Wadooyinka Puntland ayaa shaaca ka qaadey inay bilaabeyso
mashruuc wadooyin loogu sameynayo qaar kamida degmooyinka dhaca
xeebaha Puntland waxana ay kala yihiin Baargaal ,Xaafuun ,Eyl iyo
Jariiban.

Shir saxaafadeed uu ku qabtey xafiiskiisa Garowe maanta 27 June,2012
agaasimaha hayada wadooyinka Puntland(Puntland High Wey Authority)
Eng.Xasan Cismaan Cali ayuu sheegey in dhaqso loo bilaabi doono
mashruucan wadooyinka loogu sameynayo degmooyinka laamiga ka fog oo ku
yaal xeebaha Puntland.

Waxa uu raaciyey agaasimuhu in mashruucan ay ku deeqdey dhaqaalihiisa
dowladda Maraykanku islamarkaasina ay soo marsiineyso hayada DIA oo ah
mid kamida hayadaha samafalka ee dalka ka hawlgala.

Eng.Cismaan sidoo kale waxa uu ka hadlay qorshaha hayadiisa ay ka
damacsantahay dayactirka wadada laamiga ah ee magaalooyinka waaweyn
isku xirta oo uu cadeeyey in intii tabartooda ah ay hagaajinyaan
isagoona ku darey in haatan WFP ay hawlo ka wado qaar kamida
wadooyinkaasi.

Mashruucan wadooyinka loogu sameynayo deegaan xeebeedyada Puntland
ayaa ah mid lagu dhiirigelinayo dadka deegaanka oo ku guuleystey inay
iska saaraan kooxihii burcad badeeda ah oo horey deeganadooda u
dhigtey fariisinada.

Shabakada baargaal.net
baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain