Heestii: dhabta miyaan kusaaraa Fananiinta: Kinsi & Siciid Mire

Heestii: dhabta miyaan kusaaraa Abwaan: Cabdi Bashiir Indhobuur Fananiinta: Kinsi & Siciid Mire Kinsi X Adan: Dhiigiyo kalgacalkii ee xidida dhamaystira afka lagama dhawree ma ogtahay dharaarahan markan dhaban u seexdaba inaan kugu dhadhabayoo dhabteyda kaa dayoo hadii aad dhab doon tahay amba kuguma dhaafeen hawlaha dhankeygee dhinacaaga ila qabo Siciid M Xaydar: Walaw dheylo aad tahay ee hadana dhaqankiyo dhaqashada ku wacan tahay dharaar aragti ma ogtahay caashaqan wax dheereen dhedo roob la moodo dhalanteed inuu yahay jacayl kii dhawaan gala dhaxal lagama gaadhee horta dhab kaa yahay waa inaan dhudhumiyaa Kinsi X Adan Dhugmadiisu ruuxey ee u dhantahay ayuun buu dhibayaa xishoodkuye ma ogtahay dhigeyow dhamanaanka awgaa dariiqyada suuqyada dhar la'aan inaan maroo hadii aad dhab doon tahay amba kuguma dhaafeen hawlaha dhankeygee dhinacaaga ila qabo Siciid M Xaydar Qoton dheer qoyaaniyo ee dhex qotoma xareediyo dhabi baxay la moodyeey ma ogtahay dhaqsiinyuhu hadii lacag dhalayaan kaadsiiyuhu ma dhiciyee dahab baan ka dhuran laa jacayl kii dhawaan gala dhaxal lagama gaadhee horta dhab kaa yahay waa inaan dhudhumiyaa











Heestii: dhabta miyaan kusaaraa
Abwaan: Cabdi Bashiir Indhobuur

Fananiinta: Kinsi & Siciid Mire

Kinsi X Adan:
Dhiigiyo kalgacalkii
ee xidida dhamaystira
afka lagama dhawree
ma ogtahay dharaarahan
markan dhaban u seexdaba
inaan kugu dhadhabayoo
dhabteyda kaa dayoo
hadii aad dhab doon tahay
amba kuguma dhaafeen
hawlaha dhankeygee
dhinacaaga ila qabo
Siciid M Xaydar:
Walaw dheylo aad tahay
ee hadana dhaqankiyo
dhaqashada ku wacan tahay
dharaar aragti ma ogtahay
caashaqan wax dheereen
dhedo roob la moodo
dhalanteed inuu yahay
jacayl kii dhawaan gala
dhaxal lagama gaadhee
horta dhab kaa yahay
waa inaan dhudhumiyaa

Kinsi X Adan

Dhugmadiisu ruuxey
ee u dhantahay
ayuun buu dhibayaa
xishoodkuye
ma ogtahay dhigeyow
dhamanaanka awgaa
dariiqyada suuqyada
dhar la'aan inaan maroo
hadii aad dhab doon tahay
amba kuguma dhaafeen
hawlaha dhankeygee
dhinacaaga ila qabo

Siciid M Xaydar

Qoton dheer qoyaaniyo
ee dhex qotoma xareediyo
dhabi baxay la moodyeey
ma ogtahay dhaqsiinyuhu
hadii lacag dhalayaan
kaadsiiyuhu ma dhiciyee
dahab baan ka dhuran laa
jacayl kii dhawaan gala
dhaxal lagama gaadhee
horta dhab kaa yahay
waa inaan dhudhumiyaa
Developed by Jago Desain